Madaxwaynaha Dalka Koonfur Afrika Oo Maanta Lagu Billaabayo Baadhitaan Musuqmaasuq
Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ayaa maanta oo Salaaso ah billaabaya baaritaan ka dhan ah musuqmaasuq heerkiisu sarreeyo oo la sheegay in uu hareeyay dowladda dalkaasi.
Shakhsiyaadkii horey u shaaciyay in dalka uu musuqmaasuq ka jiro iyo kuwo kale oo caan ah ayaa la filayaa in baarlamaanka uu u yeero si ay ugu markhaati furaan warbixin ay soo saartay gabar madax ka ahayd xafiiska la dagaalanka musuqa ee dalkaasi.
Waxa ay noqon doontaa maalmo aan u wanaagsanayn qaar ka mid ah dad awood ku leh dalka Koonfur Afrika.
Wasiiro,maalqabeeno,wiilka madaxwaynaha iyo markhaatiyo kale ayaa lagu wadaa in loo yeero.
Haddii markhaatiyadani ay yimaadaan ayaa waxa su’aalo waydiin doona xildhibaanada baaritanka ku haya eedeeymaha ku saabsan in uu jiro shirqool wayn oo ah dhanka musuqmaasuq.
Waxaa la sheegay in qoyska awooda ku leh dhanka ganacsiga ee lagu magacaabo Guptas,ay galaangal ku yeesheen heerarka sare ee dowlada si qandarasyo macaash badan ay ka helaan ay ugu guulaystaan.
Qoyska Guptas ayaa dhankooda waxa ay beeniyeen eedeeyntaasi si la mid ah sida uu u beeniyay madaxwayne Jacob Zuma oo la sheegay in qoyskani ay isku dhawyihiin.
Qaar ka mid ah dadka Koonfur Afrika ayaa u arka baartiaanada ay samaynayaan baarlamaanka ay tahay mid badal liidata u ah baartiaanadii,xarigii iyo maxkamadayntii ay ahayd in ay booliiska sameeyaan.
Balse xilli ay sii kordhayso xiisadda siyaasadeed ee ku saabsan cidda badalaysa madaxwayne Zuma -ayaa waxaa baaritaanka tobobadkan laga yaabaa in ay ka so baxdo natiijo wax ku ool ah.
Madaxwaynaha Dalka Koonfur Afrika Oo Maanta Lagu Billaabayo Baadhitaan Musuqmaasuq
Madaxwaynaha Dalka Koonfur Afrika Oo Maanta Lagu Billaabayo Baadhitaan Musuqmaasuq