Maxaa Sababay Is-casilaadda Xubin Sare Oo Sarkaal Ka Tirsan Guddiga Doorashada Kenya Oo U Baxsatay Dalka Maraykanka?
Sarkaal sare oo ka tirsanayd guddiga doorashada ee Kenya ayaa xilka iska casishay ka dib markii "nafteeda ay u baqday” waxayna ka qaxday dalka.
Dr Roselyn Akombe ayaa sidoo kale dalka ka qaxday, waxayna sheegtay in nafteeda ay u baqday, waxayna hadda u carartay dalka Mareykanka. Waxayna xilka ka tagtay isbuuc ka hor doorashada ku celiska ah.
Maxaa ku qasbay in ay iscasisho? Waxaan eegeynaa qodobada ay uga hadashay warqadda ay soo saartay.
Amni iyo badqab
Dr Akombe waxay aaminsan tahay in nolosheeda ay halis ku jirto. Walaalkeed ayaa la handaday, sida ay BBC-da u sheegtay.
Sidoo kale ayada ayaa loo cagajugleeyay muddadii ay xubinta sare ka ahayd guddiga doorashada Kenya ee IEBC.
Waxay xustay dilka sarkaal hore oo IEBC ka mid ahaa, Chris Msando, kaas oo la dilay isbuuc ka hor doorashadii la soo dhaafay.
Waxay tilmaamtay in aysan Kenya ku soo noqon doonin.
"Ma dareemayo in aan ku nabadgalaayo dalkeyga, cabsi ayaan dareemayaa markaan Kenya joogo, mana u malaynaayo in aan ku noqon doono,” ayey u sheegtay BBC-da.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay u baqeyso shaqaalaha guddiga ee ku sugan Nairobi, Siaya, Kisumu iyo Homa Bay ee Galbeedka Kenya.
Deegaanadaas ay xustay waxaa ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo lagu taageerayay mucaaradka oo sababay dhimasho.
Waxay tilmaamtay "Walaaca waan u bandhigay shaqaalaha guddiga, jawaab xun ayaana kala kulmay inta badan xubnaha ugu sareeya IEBC. Waxay doonayaan in doorasho la qabto xittaa haddii ay u dhimanayaan shaqaalaha ama codbixiyayaasha.”
Kala qeybsanaanta madaxda IEBC
Dr Roselyn Akombe ayaa sheegtay in xubnaha sare ee guddiga ay aad isu khilaafsan yihiin "xisbina isu badalay intii qalalaasaha uu jiray.”
"Aad ayey u kordheysay dhibaatada kulamada ayadoo xubnaha guddiga ay imaanayaan ayagoo dhinacyo kala taageersan,” ayey tiri.
"Xubnaha diyaar uma ahayn in ay gaaraan go’aan loo dhan yahay oo wada hadal ku yimi,” ayey ku qortay war ay soo saartay.
IEBC diyaar ma u tahay qabashada doorashada?
Dr Roselyn Akombe waxay aaminsan tahay in guddiga doorashada ee Kenya uusan diyaar u ahayn qabashada doorasho "xor iyo xalaal ah oo si sax ah loo qabto.”
Waxaa la filayaa in Kenya ay doorasho ku celis ah ay ka dhacdo 26-ka bishan October, ka dib markii natiijadii doorashadii hore ay laashay maxkamadda.
Waxay sheegtay in guddiga looga baahan yahay in uu daacad noqdo, si cadna wax uga qabto dhibaatada uu wajahayo.
Mas’uuliyad wadajir ah
Dr Akombe wuxuu "damiirkeeda siin waayay” in ay difaacdo meelaha qaar ee gddiga uu gaaray.
Waxay tilmaamtay in ay jiraan arrimo badan oo aysan ku raacsanayn xubnaha saree e IEBC.
Warka ay soo saartay waxay ku sheegtay waxay ku xustay: "Waxaa aad u kordhay dhibaatada ah in warbaahinta la hor imaado oo la difaaco wax aadan ogolayn, adigoo eegaya waxa loogu yeeray mas’uuliyad loo dhan yahay.”
Maxaa Sababay Is-casilaadda Xubin Sare Oo Sarkaal Ka Tirsan Guddiga Doorashada Kenya Oo U Baxsatay Dalka Maraykanka?
Maxaa Sababay Is-casilaadda Xubin Sare Oo Sarkaal Ka Tirsan Guddiga Doorashada Kenya Oo U Baxsatay Dalka Maraykanka?