CIA: Kuuriyada Waqooyi waxay qarka u saarantahay inay Nukleyr ku dhufato Mareykanka

0
Saturday October 21, 2017 - 07:46:18 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIA: Kuuriyada Waqooyi waxay qarka u saarantahay inay Nukleyr ku dhufato Mareykanka

    CIA: Kuuriyada Waqooyi waxay qarka u saarantahay inay Nukleyr ku dhufato Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CIA: Kuuriyada Waqooyi waxay qarka u saarantahay inay Nukleyr ku dhufato Mareykanka

Agaasimaha hay'ada sirdoonka Mareykanka ee CIA Mike Pompeo ayaa ka digey in Kuuriyada Waqooyi ay qarka u saran tahay in ay awood u yeelato in ay gantaal Niyukleer ku garaacaan Mareykanka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Mareykanka ay wali door bidayaan xal dublamaasiyadeed iyo cunaqabateyn ,balse tillaabo Militari ay wali tahay mid khiyaarka ku jirta.

Mr Pompeo ayaa ka digey in khibrada Pyongyang ee Gantaalada ay tahay mid si dhaqso ah hormar u samaynaysa balse ay adagtahay in sirdoonka Mareykanka ay xaqiijiyaan goorta ay guulaysanayaan.

Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku andacootay in ay leedahay awood ay Mareykanka ku weerari karto.

Todobaadkii aanu soo dhaafnay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa ku adkaystay in madaxwayne Donald Trump uu doonayo in arrinta Kuuriyada Waqooyi lagu xaliyo qaab dublamaasiyadeed.