50 Askar oo ka tirsan ciidamada Masar oo lagu dilay isku dhacyo ka dhacay dalkaasi

0
Saturday October 21, 2017 - 07:46:18 in by Burco Office
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    50 Askar oo ka tirsan ciidamada Masar oo lagu dilay isku dhacyo ka dhacay dalkaasi

    CIA: Kuuriyada Waqooyi waxay qarka u saarantahay inay Nukleyr ku dhufato Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CIA: Kuuriyada Waqooyi waxay qarka u saarantahay inay Nukleyr ku dhufato Mareykanka

Wasaarada Arrimaha gudaha Masar ayaa sheegtay in ugu yaraan 53 ka tirsan ciidamada ammaanka ay ku dhinteen isku dhacyo ka dhacay Saxaaraha galbeedka Masar.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in 15 ka tirsan mintidiinta kooxda lagu magacaabo Xasm lagu dilay weerarkan.

Kolonyo ciidamada ammaanka ayaa waxa uu weerar uga yimid dagaalyahanada mintidiinta oo ku weeraray Baasuukayaal iyo walxaha qarxa.

Ila wareedyada laamaha ammaanka ayaa muujinaya in xaalada ay sii xumaysay mintidiintan oo aad u yiqiinay goobta uu dagaalka ka dhacay ,islamarkanaa abaanduulihii hogaaminayay ciidamaad ammaanka ayaa ku guuldaraystay in uu sameeyo xiriir si uu u dalbado gurmad.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo muslimiin mintidiin ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Balse kooxdan ayaa beenisay in ay ka tirsan yihiin ururka Akhwaanul muslimiinta.

Kooxdani Xsma ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxo weeraro la bartilmaameedsada laamaha ammaanka ee Masar.