Madaxa WHO oo ka fiirsanaya go'aankii uu Robert Mugabe ugu magacaabay safiir sharafeedka hay'dda.

0
Sunday October 22, 2017 - 09:22:28 in by Burco Office
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa WHO oo ka fiirsanaya go'aankii uu Robert Mugabe ugu magacaabay safiir sharafeedka hay'dda.

    Madaxa WHO oo ka fiirsanaya go'aankii uu Robert Mugabe ugu magacaabay safiir sharafeedka hay'dda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa WHO oo ka fiirsanaya go'aankii uu Robert Mugabe ugu magacaabay safiir sharafeedka hay'dda.

Madaxa cusub ee Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo go'aankii uu ugu magacaabay madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, inuu hay'addaasi caalamiga ah u noqdo safiir sharafeed.

Magacaabistan ayuu todobaadkii tegay Dr Tedros Adhanom kaga dhawaaqay shir uu ka qeybgalayay Mugabe oo ka dhacayay dalka Uruguay.

Hasayeeshee magacaabistan ayaa horseedday cambaarayn caalami ah.

Dr Tedros ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu haatan dib uga fakarayo qaabkii uu ku magacaabay Madaxweyne Mugabe, isaga oo qadarinaya waxa uu ugu yeeray qiyamka Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dr Tedros, waxa uu sheegay inuu dhawaan soo saari doono bayaan cusub oo arrintaasi la xiriirta.

Dalalka Britain iyo Mareykanka ayaa si cad u sheegay in ay ka niyad jabeen magacaabista Mugabe.

Halka mucaaradka dala Zimbabwe-na ay arrintaasi ku tilmaameen mid kaftan ah.

Balse taageerayaasha Madaxweyne Mugabe ayaa sheegay inay taasi tahay qadarin ku haboon hogaamiyahan ugu da'da weyn qaaradda Afrika, kaasi oo ay sheegeen inuu si weyn u taageero daryeelka caafimaadka ee caalamka.

Hasayeeshee, dadka naqdiya Mugabe ayaa waxa ay ugu yeeraan kaligii taliye kor ka eeganayay burburka hannaanka caafimaadka ee Zimbabwe, xilligii uu dhaqaalaha dalkaasi sii liicayay.