Hooyo Laba Wiil Ku Weyday Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Sunday October 22, 2017 - 09:40:38 in by Burco Office
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Laba Wiil Ku Weyday Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Hooyo Laba Wiil Ku Weyday Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo Laba Wiil Ku Weyday Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Iyadoo toddobaad laga joogo markii uu dhacay qaraxii lagu halaagsamay ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, ayaa weli waxaa socda gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha iyo dadkii ay dhibaatada kasoo gaadhay.


Qaraxaasi ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhaxlay dhacdooyin xanuun iyo uur-kutaalo ku reebtay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Dadka uu saameynta ku yeeshay qaraxaasi waxaa kamid ah hooyo lagu magacaabo Xaawa Tahliil Gulleyd oo BBC-da u sheegtay in ilma ay dhashay iyo kuwa ay ehel yihiin ba ku weyday qaraxii Soobe xili ay ku guda jireen xisaabinta hanti u taalay labo carwo si ay uga bixiyaan sako.

”Hooyo waxaan weerarka ku waayay labo kamid ah wiilasheyda, mid aan habirir u ahay, mid ay qaraabo ahayeen ilmaheyga iyo xaaska mid kamid ah wiilasheyda oo carwa ku lahaa isgoyska Soobe,” sidaasi waxaa BBC-da u sheegtay hooyo Xaawo.

Xaawa Tahliil oo u muuqatay qof samarsan ayaa u sheegtay BBC-da in caruurta iyo hantida ku burburtay weerarka ay tahay wax uu Ilaahay siiyay, haatan uu isaga oofsaday.

Mar aan wax ka weydiinay darenkeeda, maadaama caruurteda ay ku dhinteen weerarka ayaa waxay tiri waxaan ku shukriyay Allah weyn, waxaana xiliga uu weerarka dhacayay ay sheegtay inay ku sugneed deegaanka Hobyo.

”Markii la isoo sheegay geerida ubadkeyga waxaan ku sugnaa deegaanka Hobyo, oo waxaan halkaasi la joogay waalidiinti idhashay, waxaana Xamar imid iyadoo caruurteydi la aasay” waxaa sidaasi BBC-da u sheegtay hooyo Xaawo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska soobe ee magaalda Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomalaiya Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo halka 228 qofna ay ku dhaawacmeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale nolol iyo geeri la la’yahay 56 qof halka 99 qof oo kolkii hore dhaawac ahaan cusbitaalada loo dhigay hadda cusbitalka laga saaray.

Sida uu sheegay Eng. Yariisow, 122 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaanna waddamada Kenya, Turkiga iyo Suudaan si halkaa loogu soo daweeyo.

Tiro kale oo dhaawac ah ay jiifaan cusbitaalada Muqdisho.

Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dhowr qof loo soo qabtay qaraxa, balse waxa uu ka gaabsaday in wax faafaahin ah uu ka bixiyo maadaama buu yiri uu wali baaritaan socdo.