Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Uganda, Maxay Ka Wada-hadleen Labada Madaxweyne??

0
Monday October 23, 2017 - 09:17:13 in by Burco Office
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Uganda, Maxay Ka Wada-hadleen Labada Madaxweyne??

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Uganda, Maxay Ka Wada-hadleen Labada Madaxweyne??

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Uganda, Maxay Ka Wada-hadleen Labada Madaxweyne??

Madaxwnaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaa Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.


Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Madaxweynaha waxaan socdaalka uu ku marayo wadamada gobolka ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yuusuf Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xusseen Carab Ciise, La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda dibadda, Balal Maxamed Cismaan