Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO Oo Ka Laabtay Magacaabista Madaxweyne Robert Mugabe

0
Monday October 23, 2017 - 09:18:54 in by Burco Office
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO Oo Ka Laabtay Magacaabista Madaxweyne Robert Mugabe

    Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO Oo Ka Laabtay Magacaabista Madaxweyne Robert Mugabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO Oo Ka Laabtay Magacaabista Madaxweyne Robert Mugabe

Hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ka laabatay go’aankii ay dhowaan u magacowday Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe Safiir Sharafeedka WHO kadib markii dhaliilo badan laga keenay magacaasbitan.


Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu dib ugala laabtay magacaabista Mugabe kadib markii uu dhagaystay talooyin badan oo caalamka ugaga yimid.

Mr Tedros ayaa sheegay inuu kala tashaday dowlada Zimbabwe ka laabashada magacaabista Mr Mugabe, maadaama ay ku jirto danta hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO.

Hase yeeshee Madaxa WHO ayaa hore ugu amaanay dalka Zimbabwe sida uu ugu dadaalo horumarinta caafimaadka dalkiisa,balse dadka wax dhaliila ayaa ku tilmaamay in caafimaadka dalkaasi uu hoos u dhac ku yimid tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Mugabe.

"Shaqaalaha badanaa mushaar ma qaataan,dawooyinkana waa ay ku yar yihiin halka uu Mugabe ay da’adiisu sii dhaaftay soddon sano qiyaasta qofka ku nool Zimbabwe sanadaha uu noolaan karo,waxana uu daawo u raadsadaa dalalka dibadda.”ayay yiraahdeen dadka dhaliisha ka soo jeediyay magacaabista Madaxweynaha Zimbabwe.

Magacaabista safiir sharafeedka WHO ee cudurada aan la kala qaadin sida Kaadi-Macaanta iyo Kansarka ee Robert Mugabe ayaa waxaa ka soo horjeestey oo dhaliilay wadamo ay ka mid yihiin UK,Canada iyo hay’ado caalami ah oo caafimaadka u ololeeya sida Wellcome Trust, the NCD Alliance, UN Watch, the World Heart Federation, Action Against Smoking iyo qareenada wadanka Zimbabwe.