Madaxweynaha Puntland oo maanta furaya Kalfadhiga 40aad ee Baarlamaanka Puntland

0
Wednesday October 25, 2017 - 10:20:53 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo maanta furaya Kalfadhiga 40aad ee Baarlamaanka Puntland

    Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la filayaa in uu maanta furo kalfadhiga 40-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland kaas oo sanadkiiba mar dhaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la filayaa in uu maanta furo kalfadhiga 40-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland kaas oo sanadkiiba mar dhaca.


C/Wali Maxame dCali Gaas ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeedo furitaanka fadhiga 40-aad ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland.


Khudbadda Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in uu diiradda ku saaro dhinacyada amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda gudaha iyo Arrimaha la xariira Nidaamka Faderaaliga ah ee Soomaaliya.

Fadhigan waxaa jooga ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,sidoo kale waxaa jooga Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Amniga Garowe ayaa aad loo adkeeyay iyada oo Waddooyinka qaarna ay xireen Ciidamada ammaanka, sidoo kalena ay baaritaan ku sameynayaan xaafadaha qaar ee ka agdhaw Xarunta Baarlamaanka Puntland.

Labada Gudoomiye ee ka socda Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in iyana ay khudbado ka jeediyaan fadhigan oo ay tahay markii ugu horreysay ee ay wadajir uga qeybgalaan Kalfadhiga noocan ah ee Baarlamaanka Puntpand yeelanayo.