Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo dowladda ku eedeeyay inay ka gaabisay dagaalka Shabaab

0
Wednesday October 25, 2017 - 10:30:42 in by salman abdi
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo dowladda ku eedeeyay inay ka gaabisay dagaalka Shabaab

    Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federalka Somaliya inay ka gaabisay dagaalka ka dhanka al Shabaab. Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhan ah Shabaab, ayaa haddana Gudoomiyaha Gobolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federalka Somaliya inay ka gaabisay dagaalka ka dhanka al Shabaab. Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhan ah Shabaab, ayaa haddana Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte wuxuu sheegay marka la eego hanaanka dowladda u wajahdo dagaalka Shabaab inuu muuqdo gaabis xooggan.


Waxa uu sheegay in dowladda aysan dhaqaalo iyo taageero Millatari aysan siinin Ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan si ay Al-Shabaabka ku sugan deegaano ka mid ah gobolka uga saaraan.

Waxa uu xusay in Dowladda ay siyaasado kale isaga mashquulsan tahay islamarkaana aysan ahmiyad siin xoreynta gobolada dalka.

"Dowladda dhexe dalka in la xureeyo waxa ay ku xiran tahay inay la timaado siyaasad cad oo ku aadan xureynta, ma jiro daryeel badan oo la siiyo ciidamada ku sugan Gobolada dalka Somaliya, ma haystaan agabyadii loo baahnaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

"Muqdisho waa Somaliya, Muqdisho bes ayeey ku kooban tahay dowladda, Muqdisho kaliya ayeey siyaasadeeda ku kooban tahay waa in dhaqdhaqaaqa laga helaa dowladda.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.