Shiinaha oo shaaciyay xubnaha guddiga ugu awoodda badan dalkaas
Ka tagitaanka arrintaas ayaa loo arkaa in ay muujinayso in madaxweyne Xi uu Shiinaha ka sii arrimin doono shanta sano ee soo socota ayna macquul tahay in ayba intaas ka sii badato, arrintanina waxay timid maalin ka dib markii magaciisa lagu qoray dastuurka dalkaas.
Shan xubnood oo cusub ayaa lagu soo daray guddiga sare ee dalkaas, kaas oo ah midka ugu awood badan.
In aan lagu soo darin ciddii badali lahayd Xi ayaa dhalisay su'aasha ah muddada uu doonayo in uu dalkaas maamulo.
Marka laga reebi Xi oo 64 jir ah, cidda kali ah ee guddigii hore ka soo haray waa Li Keqiang oo 62 jir ah.
Ra'iisulwasaare ku xigeen Wang Yang oo 62 jir ah horayna u soo noqday xoghayaha xisbiga ee gobolka Guangdong ayaa loo magacaabay ra'iisulwasaare ku xigeen dhanka maamulka qaabilsan.
- Shirweynaha xisbiga Shuuciga Shiinaha iyo faafreebka
- Shiinaha oo ku faanay xarigga dadka ‘xukun diidka ah’
- Taageerayaasha kubadda ee Hong Kong oo ku oriyay heesta calankooda
Han Zheng oo 63 jir ah, ahaana xoghayaha xisbiga ee Shanghai ayaa loo dalacsiiyay in uu hogaamiyo guddiga CPPCC.
Waxay ku biiri doonaan Zhao Leji oo 60 jir ah oo hoggaamin doona waaxda ladagaalanka musuqmaasuqa ee xisbiga, Li Zhanshu oo 67 jir ah oo ay aad isugu dhaw yihiin Xi waxaa la filayaa in uu baarlamaanka Shiinaha hogaamiyo iyo Wang Huning oo 62 jir ah.
Shiinaha oo shaaciyay xubnaha guddiga ugu awoodda badan dalkaas
Shiinaha ayaa shaaciyay xubnaha guddiga sare ee dalkaas iyaga oo jabiyay dhaqankii lagu magacaabi jiray cidda badali doonta marka uu muddadiisa dhamaysto madaxweyene Xi Jinping.