AKHRISO:Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Kamida Badhasaabada Dalka,Magacaabayna Masuuliyiin Cusub

0
Saturday October 28, 2017 - 14:39:23 in by Burco Office
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO:Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Kamida Badhasaabada Dalka,Magacaabayna Masuuliyiin Cusub

    AKHRISO:Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Kamida Badhasaabada Dalka,Magacaabayna Masuuliyiin Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKHRISO:Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Kamida Badhasaabada Dalka,Magacaabayna Masuuliyiin Cusub

Xafiiska Af-hayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Taariikh: 28/10/2017

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5177/102017uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiyaha Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne.

Madaxweynuhu:-

 

 

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )

In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland