Ma Dhabbaa In Masiixiyiin Soomaali Ah Ay Ku Geeriyoodeen Qaraxii Zoobbe? (Website ay leeyihiin masiixiyiinta Soomaalida oo Liis soo bandhigay)

0
Saturday October 28, 2017 - 14:56:25 in by Burco Office
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabbaa In Masiixiyiin Soomaali Ah Ay Ku Geeriyoodeen Qaraxii Zoobbe? (Website ay leeyihiin masiixiyiinta Soomaalida oo Liis soo bandhigay)

    Ma Dhabbaa In Masiixiyiin Soomaali Ah Ay Ku Geeriyoodeen Qaraxii Zoobbe? (Website ay leeyihiin masiixiyiinta Soomaalida oo Liis soo bandhigay)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabbaa In Masiixiyiin Soomaali Ah Ay Ku Geeriyoodeen Qaraxii Zoobbe? (Website ay leeyihiin masiixiyiinta Soomaalida oo Liis soo bandhigay)
Qoraalka Hoose waa warbixin ay soo saareen kooxaha Masiixiyiinta Soomaalida ee waan soo tarjunnay sidaas ula soco Kooxaha islaamiyiinta Alshabaab ayaa ku dhuftay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay isgooys mashquul ah oo ku yaalla wadnaha (Bartamaha) magaalada Muqdisho, galabnimadii sabtida ahayd ee 14-kii bisha October. Sida ay werineysay AP, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay dhimashada inkabadan 400 oo qofood kuwaas oo ahaa shacab waxma galabsato ah oo goobtaas kusgnaa. Boqolaal kale ayaa derbiyadu ay ku dummeen kuwaas oo qaarkood xilli dambe laga soo dhexsaaray iyagoo meyd ah halka kuwa kalena ay nasiib u heleen sii noolaashaha.
Dhacdadan ayaa ahayd middii ugu wayneed ee ay abid arkaan Soomaalida intii ay qarax usoo joogeen, waxaana lagu tilmaamay mid kamid ah qaraxyadii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhaca gobolka geeska Afrika. Soomaali aaminsan masiixiyadda ayaa siyaabo kala duwan ugu geeriyooday qaraxa, oo ay ku jirto Fardowza Haji Hilowle Jama oo ahayd 39- sano jir, iyo laba cunug oo ay dhashay; si lamid ah Dr.Maryan Cabdullahi 22 sano jir ahayd ayaa qayb ka ahayd masiixiyiinta Soomaalida ah ee ku geeriyootay dhacdadaas, taas oo sugeysa hal maalin kaddib xalfaddeeda qalin jebinta, oo ay ka qalin baddaleysay maaddada caamaadka. Dr: Maryan ayaa xaadiri jirtay kaniisad yar oo guri ku dhextaallay taas oo magaalada qarsoodi ka ahayd; door muhiim ah ayeey ka ciyaartay faanta iyo tabarrucaadda dadkii ku waxyeeloobay abaaraha dalka ka jiray, taas oo keentay in majaladda caanka ah ee Newyork Times ay ka qorto faallo dheer oo ay ugu magacdartay "Maryan; Xiddigtii Soo Baxaysay”. Dr:Maryan waxa ay qaraabo dhow yihiin mudane Ali Mustaf Maka’iil oo ahaa Soomaali Masiixi la toogtay sannadkii 2006-dii isagoo jiray 22-sano, waxaana falkaas lagu eedeeyay maxkamadihii islaamiga ahaa kuwaas oo beri dambe isku baddalay Alshabaab. Waxaa jira in 8-Soomaali Masiixi kuwaas oo aan weli la heyn islamarkaana loo badinayo in ay ku dhinteen dhacdadii Soobbe ee bartamihii bishan dabayaaqada ah ee October. Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 11-qofood oo Soomaali Masiixi ah ay dhaawacmeen, xilli afar kamid ah ay ahaayeen caruur ay waaliddiintoodu masiixiga qaateen, kuwaas oo goobta kusugnaa marka ay dhacdadaas dhaceysay. Qoraalkan keliya waan soo tarjunnay oo annaga kirkeenna kama dhigno
F:G:- Waxaa Waxaa soo saaray Koox Masiixiyiin Soomaali Ah kuwaas oo sheeganaya in ay dad kaga dhinteen; lama hubo macquul ahaanshaha, waxaase aan macquul ahayn in Muqdisho ay ku noolaadaan Masiixiyiin, haddii ay dhacdo tiradooda ayaa ah mid aad u yar, waxaa mudan in la iswayddiiyo sidee ku dhacday ama ixtimmaal noocee ah ayeey noqoneysaa in Muqdisho oo aan naqaanno halisteeda in ay hal meel ku dhintaan ama ay kusugnaadaan inkabadan 20-masiixi sida ay sheegeyso warbixinta? taas waxa ay caddeyneysaa in been abuur ay u dhowdahay 85%-kiiba, haddii aysan iyada oo idil wada ahayn.