Madaxweynaha Masar Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliyeyaal Iyo Saraakiil Ciidan

0
Monday October 30, 2017 - 10:13:36 in by Burco Office
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Masar Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliyeyaal Iyo Saraakiil Ciidan

    Madaxweynaha Masar Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliyeyaal Iyo Saraakiil Ciidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Masar Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliyeyaal Iyo Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa is bedel ku sameeyay Mas’uuliyiinta Amniga, kaddib weerar gaadmo ah oo todobaadkii hore lagu laayay 55 askari ka tirsan Ciidamada Masar.


Isku shaandheyntan ayaa lagu sameeyay sabtidii 11 Saraakiisha amniga oo uu ku jiro Madaxa Amniga Qaranka NSA, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

General Mohamoud Shaarawy Taliyihii hore ee NSA ayaa waxaa lagu bedelay General Mahmoud Tawfiq, sida ay daabacday jariirada Ahram.

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada qalabka sida Gen. Mohamed Farid Hegazy , waxaana xilka laga qaaday Gen. Mohamoud Hegazy.

Is bedelkan ayaa ka dambeysay, kaddib weerarkii todobaadkii hore ka dhacay dhulka lama deegaanka ah ee Gobolka Giza, halkaasoo lagu dilay 55 askari.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ka mid ahaa weeraro taxane ahaa oo muddooyinkii u dambeeyay lagu dilay boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Masar.