"Malaayiin Maraykan ah ayay gaartay xog kala qaybin ah oo lala xiriiriyay Ruushka"

0
Tuesday October 31, 2017 - 09:30:21 in by Burco Office
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Malaayiin Maraykan ah ayay gaartay xog kala qaybin ah oo lala xiriiriyay Ruushka"

    "Malaayiin Maraykan ah ayay gaartay xog kala qaybin ah oo lala xiriiriyay Ruushka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Malaayiin Maraykan ah ayay gaartay xog kala qaybin ah oo lala xiriiriyay Ruushka"

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in dad gaaraya 126 milyan oo Maraykanka ku nool in ay gaartay macluumaad ay soo gudbiyeen dad Ruushka ku sugnaa, arrintaasina waxay dhacday labadii sano ee la soo dhaafay.

Bartan ay bulshadu ku xiriirto ayaa sheegtay in 80,000 oo jeer macluumaad la soo dhigay ka hor iyo ka dib doorashadii Maraykanka.

Macluumaadkan dadka lala wadaagayay ayaa diiradda saarayay fariimo kala qaybin ah oo mid bulsho iyo mid siyaasadeedba lahaa.

Facebook ayaa baahiyay macluumaad ka hor dhagaysiga aqalka Senate ee ku saabsan saamaynta uu Ruushku ku leeyahay shirkadaha caanka ah sida Facebook, Twitter iyo Google.

Ruushka ayaa diiday eedaymaha sheegaya in ay isku dayay in uu saamayn ku yeelasho doorashadii u dambaysay ee Maraykanka, taas oo Trump uu kaga raayay Hillary Clinton.

Tiradan u dambaysay ee Facebook uu soo gudbiyay waxaa aragtay wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska Washington Post.

Macluumaadkan 80,000 waxaa baraha bulshada lagu baahiyay bishii Juunyo ilaa bishii Agoosto ee 2017kii.

Shirkadda Facebook waxay sheegtay in waxyaabahan ay baahisay shirkad Ruushka laga leeyahay oo xiriir la leh aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.