Israa'iil oo burburisay godad ay mintidiin dhulka hoostiisa ka qoteen

0
Tuesday October 31, 2017 - 09:33:00 in by Burco Office
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo burburisay godad ay mintidiin dhulka hoostiisa ka qoteen

    Israa'iil oo burburisay godad ay mintidiin dhulka hoostiisa ka qoteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil oo burburisay godad ay mintidiin dhulka hoostiisa ka qoteen

Todobo qof oo mintidiin falastiiniyiin ah ayaa ku dhinatay dhowr kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii ay Israa'iil ay burburisay god dhulka hoostiisa laga qoday.

Godkan ayaa ahaa mid ka bilaabmay Qaza tagayana ilaa Israa'iil.

Waxaa la rumaysan yahay in 5 mid ah dadka ku dhintay ay xubin ka ahaayeen kooxda Islamig Jihad.

Garabka militariga ee Xamas ayaa waxa ay sheegeen in laba xubnood oo ururkooda ka tirsan ay ku dhinteen.

Militariga Israa'iil ayaa sheegay in godkani laga qoday dhulka hoostiisa ay dhismo ku socotay markii la burburinayay.

Israa'iil ayaa isticmalaysa farsamooyiin casri ah oo ay ku burburinayso godadka ay kooxaha mintidiinta ka qodeen dhulka hoostiisa.

Israa'iil ayaa dagaalkii 2014 waxa ay ku burburisay in ka badan 30 ah godadka ay dhulka hoostiisa ka qoteen mintidiinta magalada Qaza.