Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Badda Berbera Ku Qabtay 39 Nin Iyo Sagaal Doonyood Oo Ay Wateen Iyo Weerar Looga Shakisan Yahay.

0
Wednesday November 01, 2017 - 11:00:03 in by Burco Office
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Badda Berbera Ku Qabtay 39 Nin Iyo Sagaal Doonyood Oo Ay Wateen Iyo Weerar Looga Shakisan Yahay.

    Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Badda Berbera Ku Qabtay 39 Nin Iyo Sagaal Doonyood Oo Ay Wateen Iyo Weerar Looga Shakisan Yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Badda Berbera Ku Qabtay 39 Nin Iyo Sagaal Doonyood Oo Ay Wateen Iyo Weerar Looga Shakisan Yahay.

Ciidanka ilaalada xeebaha Somalilnad ayaa qabtay 39 nin iyo sagaal doonyood oo ay wateen, waxaanay ku xidhan yihiin saldhiga ciidankaasi ku leeyahay Berbera.


Wararka hordhaca ah ee wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in ciidanku Heegan ugu jiro qab qabashada Doonyo kale oo la saadaalinayo inay saaran yihiin ku dhawaad laba boqol oo nin.

Warka ayaa sheegaya Raggan iyo Doonyahani inay ka soo kicitimeen Koonfurta Somaliya, ujeeddoodana illaa hada lama garanayo, wallow ilo wareedka warkan na siiyey uu ku sheegay inay Ruqsad ka haystaan wasaaradda Kalluumaysiga oo ay kalluumaysto yihiin.

Hadana wararka ka soo baxaya qabashada nimankan ayaa sheegaya in looga shakisan yahay Doonyaha qaarkood in Hub saaran yahay, isla markaana laga cabsi qabo inay maleegayaan weeraro qorshaysan, wallow baadhid lagu wado Raggan la hayo.

Wararka kale ee dheeraadka ah ee ka soo baxaya Berbera ayaa sheegaya inay raga la qab qabtay qaarkood ay Damiinteen Wasiirka Kalluumaysiga iyo Taliyaha Ciidanka ilaaladda Xeebuhu, kuwaas oo lagu arkay magaaladda dhexdeeda.

Xilligan kala guurka ah ayaa waxa walaac laga qabaa in si fudud loogu soo dhex dhuuman karo Somaliland, isla markaana laga fulin karo falal lagu wiiqi karo Amniga, gaar ahaan badda iyo barriga ba maadaama dayac badani ka muuqdo Dekedda Berbera oo wakhtigan ku jirta xaalad kala guur ah, isla markaana maamulka baddweynta aan la garanayn cida u xilsaaran.

Maamulka Dekedda Berbera ayey xukuumadda Somaliland ku wareejisay dalka Imaaraadka, hase yeeshee maamulka Baddweynta Berbera ayaan la garanayn cida masuuliyadeeda leh, maadaama aanay wasaaradda Kaluumaysigu wax shaqo ah ku lahayn ilaalinteeda.

Toddobaadkan ayey ahayd markii Maraakiibta shisheeyey ku soo daadiyeen Sun aan la garan oo u eeg Daamur, taasoo dadkii ku dabaalanayey xeebta Batalaale arkeen, isla markaana dadkii ku jiray Baddu ka soo yaaceen Suntaasi markii ay jidhkooda ku dhegtay.