Yemen: Haweenay Ku Guuleysatay Inay Nabadayso Beelo 11 Sanadood Dagaalamayey Oo Dad Badan Iska Dilay!

0
Thursday November 02, 2017 - 11:08:06 in by Burco Office
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yemen: Haweenay Ku Guuleysatay Inay Nabadayso Beelo 11 Sanadood Dagaalamayey Oo Dad Badan Iska Dilay!

    Yemen: Haweenay Ku Guuleysatay Inay Nabadayso Beelo 11 Sanadood Dagaalamayey Oo Dad Badan Iska Dilay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yemen: Haweenay Ku Guuleysatay Inay Nabadayso Beelo 11 Sanadood Dagaalamayey Oo Dad Badan Iska Dilay!

Waa arrin aad u wanaagsan in rag iyo dumarba laga shaqeeyo sidii dhibaatooyinka soo wajaha bulshada aad ku dhex nooshahay aad u xallin lahayd, haddaba haddii dhibaatooyinkaasi ka dhex dhacaan dadkaaga oo ay sababaan Inay dad badani ku naf waayaan oo aad adigu noqoto qofka halkaasi nabad ka dhaliya waxaad ahaanaysaa qof ay taariikhdu xusto, wanaaga ma aha mid dadka oo dhami saameeyaan, balse waxa iska yeesha qofka la yimaada wanaaga, halka ay xummaanta wada gaadho dadka meel ku wada nool haddii mid ka mid ahi uu la yimaado wax qaldan oo xun.

Haddaba, Haweenay u dhalatay dalka Yeman ayaa waxay ku guuleysatay inay heshiis nabadayn ah ka dhex samayso laba beelood muddo 11 sano ah dagaal dhex yaalay, kaasi oo sabab u noqday dhimashada 60 ruux oo ka tirsan labada beelood iyo dhaawaca 130 ruux oo ay carruuri ku jirto.

Haweenaydan, ayaa ku guulaysatay inay xaliso khilaaflaasi oo ay xukuumadii ka dhisnaan jirtay dalkaasi iyo oday dhaqameedyadu u xal waayeen, dagaalkan ayaa ahaa mid ka dhashay dhul ay labadaasi beelood isku khilaaafeen, haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Sumaya Al-xasaam oo arrintaasi ka hadlaysa ayaa waxay tidhi "Dhiiga qubanaya ee aan indhahayga ku arkay ayaa waxa uu sababay in aan ka aamusi karo waayay waxa meeshaasi ka dhacayay aniga oo ah qof dumara oo waliba kasoo jeeda Mujtamac muxaafid ah oo aan haweenku wax badan laga qorin, Ilaahay ayaa ii fududeeyay in khilaafkii u dhexeeyay labada beelood ee Bani Badar iyo Bayt Al-qaacidi waana Ilaahay mahadiiā€.

Sumaya ayaa sidoo kale sheegtay inay khilaafkaasi si xeel dheer u daraasadeysay, kadibna ay isku keentay labadii beelood halkaasina ay ku soo af jartay khilaaf soo jiitamayay muddo 11 sano ah.