Ciwaanka Twitter-ka Trump oo si kooban "hawada looga saaray"

0
Friday November 03, 2017 - 12:32:12 in by Burco Office
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciwaanka Twitter-ka Trump oo si kooban "hawada looga saaray"

    Ciwaanka Twitter-ka Trump oo si kooban "hawada looga saaray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciwaanka Twitter-ka Trump oo si kooban "hawada looga saaray"

Ciwaanka Trump ee Twitter-ka oo si kooban hawada looga saaray

Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto.

Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saaray si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii'aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada.

Trumo ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan.

Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa "ciwaankaas ma jiro!".

Trump ayaa Twitter-ka aad u isticmaala isaga oo afkaarihiisa ku faafiya kuna weerara dadka ay is hayaanLahaanshaha sawirkaTWITTER
Image captionTrump ayaa Twitter-ka aad u isticmaala isaga oo afkaarihiisa ku faafiya kuna weerara dadka ay is hayaan

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.

Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay.

Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii.

Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol'olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo.