Daawo: Naadiga Halkaraan oo Munaasibad Maamus u sameeyey Xubno ka qalinjebiyey Jaamacadaha Sona Bandhiga Buuga HOGAAN KAAB
Munasibadahan oo ay ka so qaybgaleen Xildhibaan Nasir X,Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland lagana so Doortay Togdheer iyo Xildhiban Cabdilaki Xasan oo ka mida Golaha Degaanka Burco ,Maamulayaal Dugsi, Macalimin, Aqoonyahano iyo Dhalinyaro Tiro badan ayay ka hadleen Maamulka Naadiga Halkaraan iyo Qoraaga Buugga HOGAAN KAAB oo ka sheekeyey Buugiisa.
Intaas kadib Waxa Munasibadda Bandhiga Buugga Hadalo dhirigelin iyo bogaadin isugu jirtay kaso jediyey Maamulka iyo Macaliminta Iskulka Geeska Afrika iyo Dhalinyaro kale oo isugu jiray qoraayo, hal abuuro aqoonyahano iyo Xildhiban Nasir Cali Shire.
Waxa iyaguna Munasibadda Maamuska Xubnaha Halkaraan ee ka qalinjebiyey jamacadaha Gobolka kelmado ka jediyey Xildhiban Abdilaki iyo Xubno kamida Xubnaha la maamuusay, waxayna wax lagu farxo ku tilmaameen Dhirigelinta ay ka heleen Masuliyinta Naadiga.
Gebagadiina Waxa Abaalmarino isugu jira Shahaado Sharafyo iyo hadyado kale oo ay xubnaha qaar keeneenmadasha la guddoonsiyey 12ki xubnood ee maamuuska gaarka ah lo sameeyey
Daawo: Naadiga Halkaraan oo Munaasibad Maamus u sameeyey Xubno ka qalinjebiyey Jaamacadaha Sona Bandhiga Buuga HOGAAN KAAB
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Halkaraan ayaa Munasibado kala Duwan oo lagu soo Bandhigayey Buug ka hadlaya Hogaaminta Laguna Maamuusayey 12 Xubnood oo ka qalinjebiyey Jamacadaha ku qabtay Magaalada Burco.