Wargeysyo Caalami Ah Iyo Kuwa Afrikaan Ah Oo Warbixino Xiiso Leh Ka Diyaariyey Doorashada Madaxtooyadda Somaliland Ee 13-ka November

0
Wednesday November 08, 2017 - 12:11:24 in by Burco Office
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeysyo Caalami Ah Iyo Kuwa Afrikaan Ah Oo Warbixino Xiiso Leh Ka Diyaariyey Doorashada Madaxtooyadda Somaliland Ee 13-ka November

    Wargeysyo Caalami Ah Iyo Kuwa Afrikaan Ah Oo Warbixino Xiiso Leh Ka Diyaariyey Doorashada Madaxtooyadda Somaliland Ee 13-ka November

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeysyo Caalami Ah Iyo Kuwa Afrikaan Ah Oo Warbixino Xiiso Leh Ka Diyaariyey Doorashada Madaxtooyadda Somaliland Ee 13-ka November

Wargaysyada Ka Soo Baxa Yurub, Maraykankan, Shiinaha, Japan iyo Afrika Oo Ka Hadlay Doorashada Somaliland

Warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa Afrika ayaa siyaabo isku dhaw uga hadlay doorashada 13-ka November ka dhici doonta Somaliland, taasoo lagu kala dooron saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.


Doorashada Somaliland ee madaxtooyada ayaa noqonaysa mucjiso kale oo ay Somaliland ka samayasay qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaana wadamada Geeska Afrika oo dhamaantood u badan wada xukun millatari ka jiro.

Wargayska ka soo baxa dalka ingiriiska ee magaciisa la yidhaahdo The Guardian ayaa maqaal cajiib ah ka qoray doorashada Somaliland, waxa uu cinwaan uga dhigay "Sidee dal aan la aqoonsanayn u qabtay doorashada dunida ugu qurux badan”?.

Warbixinta gudaha ayuu wargayskani si kooban u tilmaamay mucjisooyinka doorashadan ku lamaan, iyadoo uu sheegay inay tahay doorashadii ugu horaysay ee la isticmaalo aqoonsiga indhaha si aan qofna ugu laba celin.

Wargayska The times of india oo isna ka soo baxa dalka Hindiya ayaa qoray warbixin uu ku amaanay komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, kuwaasoo uu ku ammaanay daacadnimadooda, isagoo ku tilmaamay inay yihiin ubixii daacadnimada Afrika. Maqaalka uu soo saray ayuu cinwaan uga dhigay "Komishan doorasho kii ugu daacadsanaa dunida iyo ubaxa dimuqraadiyada Africa”!.

Sidoo kale wargayska Cape Times oo ka soo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa soo saaray warbixin uu sumad uga dhigay "Africa ma ku dayn doontaa Somaliland”?, taasoo uu uga jeedo dalalka qaaraddu inay qabsan karaan doorashooyin xor ah oo ka madhan musuq iyo boob, waxaana uu gudaha warbixintan ku sheegay inay Somaliland taariikh u qortay dimuqraadiyadda Afrika.

Somaliland, mandaqadda ay ku taallo ee Geeska Afrika waxaa ku hareeraysan khilaafaad siyaasi ah, qaar diineed iyo qawmiyadeed kuwaasoo dalalkaas u saamixi waayay inay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi, sida Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Kiiniya, Suudaan iyo Koonfurta Sudan.