Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Puntland Oo Ansixiyey In Aanay Doorashada Madaxtooyadda JSL Ka Dhicin Gobolada Gobollada Sool Iyo Sanaag

0
Wednesday November 08, 2017 - 12:12:49 in by Burco Office
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Puntland Oo Ansixiyey In Aanay Doorashada Madaxtooyadda JSL Ka Dhicin Gobolada Gobollada Sool Iyo Sanaag

    Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Puntland Oo Ansixiyey In Aanay Doorashada Madaxtooyadda JSL Ka Dhicin Gobolada Gobollada Sool Iyo Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Puntland Oo Ansixiyey In Aanay Doorashada Madaxtooyadda JSL Ka Dhicin Gobolada Gobollada Sool Iyo Sanaag

Maamul gobolleedka Puntland ayaa ka digay in doorashada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacdo gobollada Sool iyo Sanaag.


Guddoomiyaha barlamaanka maamul gobolleedka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay go’aanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in kalfadhiga 40aad ee barlamaanku ay soo xaadireen 36 mudane, dhammaantooda ay u codeeyeen go’aanka barlamaanka.

Waxaana uu ugu baaqay xukuumadda maamul gobolleedka Puntland inay ay ka hortegto in degaanadaasi ay ka dhacdo doorashada Madaxtooyadda Somaliland

Go’aanka Barlamaanku soo Saaray wuxuu u dhignaa sidatan:-

In xukuumadu si deg deg ah uga howlgasho sidii looga hortagi lahaa, loogana difaaci lahaa doorasho ku sheega.

In wax doorasho ku sheeg ah ayan ka dhici karin gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, lana sugo amniga xuduudahaas

In xukuumadu gudato waajibaadka dasuuriga ah ee difaacida dalka, kana hortegto faragalinta qaawan ee Somaliland sida uu qabo qodobadka 7aad dastuurka Puntland.

In Xukuumadu soo saarto baaq ku aadan faragalinta Somaliland, ugana digto Beesha caalamka inay ku garab siiyaan.

Maamulka Majeerteeniya ayaa ay ciidamada qaranku ka caydhsadeen magaalada Laascaanood muddo haatan laga joogo 10 sano iyo 21 maalmood, sannadkii 2007, waxaana intii ka dambaysay dhacay dhawr isku day oo uu maamulka Puntland ku soo faro-geliyey Sool hase yeeshee ma jirin mid uu guul kala carraabay.

Xukuumadda Somaliland oo dhawaan warkan ka hadashay ayaa la sugayaa wixii tallaabo ah ee ay ka qaadayso sugidda amniga gobolladaas iyo goobaha codaynta.