Tirada dumarka xabsiyada la dhigo ee dunida oo aad sare ugu kacday

0
Thursday November 09, 2017 - 12:12:37 in by Burco Office
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dumarka xabsiyada la dhigo ee dunida oo aad sare ugu kacday

    Tirada dumarka xabsiyada la dhigo ee dunida oo aad sare ugu kacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada dumarka xabsiyada la dhigo ee dunida oo aad sare ugu kacday

Cilmibaareyaal reer Britain ah ayaa sheegay in dumarka dunida ee xabsiyada gala ay sare u kaceen in kabadan boqolkiiba konton tan iyo sannadkii 2000.

Warbixintan waxaa diyaariyay mac-hadka cilmibaarista dambiyada ee magaciisa loo soo gaabiyo ICPR ee magaalada London.

Cilmibaaristan waxaa lagu sheegay in sare ukaca dumarka xabsiyada gala uu labo jibaar ka badan yahay kan dumarka, arrintaasna ay ka jirto qaaradaha oo dhan.

Waxaa loo malaynayaa in ay xabsiyada dunida oo dhan ku jiraan 714000 oo dumar ah.

Laakiin marka la fiiriyo dadka xabsiyada ku jira ee dunida 7% ayay dumarku noqonayaan oo ragga maxaabiista ah ayaa wali aad ooga badan.

Maraykanka ayaa ah dalka ay ku xiran yihiin dumarka ugu badan ee dunida, waxaana kaalinta labaad ku jira Shiinaha.