Maraykanka Oo Sheegay in Ku Dhawaad 100 Dagaalyahan Oo Al-shabaab Ah Duqaymo Lagu Dilay.

0
Sunday November 12, 2017 - 10:19:40 in by Burco Office
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Sheegay in Ku Dhawaad 100 Dagaalyahan Oo Al-shabaab Ah Duqaymo Lagu Dilay.

    Maraykanka Oo Sheegay in Ku Dhawaad 100 Dagaalyahan Oo Al-shabaab Ah Duqaymo Lagu Dilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Oo Sheegay in Ku Dhawaad 100 Dagaalyahan Oo Al-shabaab Ah Duqaymo Lagu Dilay.

Ku dhowaad 100 dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weeraro is-daba joog ah oo todobaadkan ka dhacay Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiil Soomaali iyo Mareykan ah.

Samantha Reho oo ah Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegtay in weeraro ay fuliyeen diyaaradahooda ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegtay in weerarada qaar ay qeyb ka ahaayeen kuwo dhanka dhulka ah oo ay ciidamada dowladda Federaalka ka caawiyeen.

Samantha Reho ayaa sheegtay in weerarada ay dhaceen maalmihii Khamiistii, Jimcihii iyo Sabtidii, isla markaana goobaha ay bartilmaameedsadeen ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa shalay sheegay in howl gal ciidamada dowladda iyo Saaxibo Caalami ay ka fuliyeen degmada Jilib ay ku dileen 81 dagaalyahan, isagoo intaa ku daray inay ku burburiyeen xaruntii qaraxyada ay ku sameynayeen Shabaab.

Hase ahaatee Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyay sheegashada dowladda, isagoo ku tilmaamay warka ah in 81 dagaalyahan laga dilay ay tahay wax lagu qoslo.

Abuu Muscab ayaa sheegay in aanay jirin haba yaraatee weerar 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubadda Dhexe, isla markaana hadalka dowladda ka soo yeeray uu yahay mid ay ku qarinayaan guuldarooyin ka soo gaaray dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeelooyinka.