Madaxwaynihii Hore ee Afghanistan Hamid Karazai Oo Maraykanka Ku Eedeeyey Inuu Ka Dambeeyey Ururka Daacish.

0
Sunday November 12, 2017 - 10:24:04 in by Burco Office
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynihii Hore ee Afghanistan Hamid Karazai Oo Maraykanka Ku Eedeeyey Inuu Ka Dambeeyey Ururka Daacish.

    Madaxwaynihii Hore ee Afghanistan Hamid Karazai Oo Maraykanka Ku Eedeeyey Inuu Ka Dambeeyey Ururka Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynihii Hore ee Afghanistan Hamid Karazai Oo Maraykanka Ku Eedeeyey Inuu Ka Dambeeyey Ururka Daacish.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Afghanistan Hamid Karzai ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Aljazeera ku sheegay in dowlada Maraykanka ay wax ka ogeyd kooxda Daacish ee kusii fideysa dalkiisa.

Hamid Karzai oo lagu wareystay barnaamijka Upfront ee jimcihii todobaadkan laga baahiyey telefishinka aljazeera, ayaa sheegay in Maraykanka uu si fiican ula socday markii maleeshiyaadka Daacish ku fidayeen dalkiisa, balse Maraykanka uusan wax tilaabo ah ka qaadin.


 

Karzai ayaa sheegay in Maraykanka marmarsiinyo ka dhigtay kooxda Daacish ee Afghanistan bishii April ee sanadkan oo ahayd xiligii dowlada Trump ay bombada weyn ee loo yaqaan "mother of all bombs” (MOAB) ku dhufteen degaanka Achin oo ka tirsan gobalka Nangarhar oo xaduudlaleh dalka Pakistaan. Bambaanadaasi oo dhulka la sintay dhul ah 1.6km oo isku wareeg ah.

"….Maalin kadib markii duqeyntaasi dhacday, maalintii ku xigtay Daacish waxay qabsadeen tuulooyin horleh….waa ay muuqataa Gacanta meesha ku jirta, mana jirto gacan kale oo aan ahayn tan Maraykanka….”ayuu yiri Hamid Karzai.

Madaxweynihii hore ee Afghanistaan oo kamid ah xulafadii Maraykanka ee maamulka dalkaasi loo dhiibay kadib markii isbaheysiga NATO burburiyey xukuumadii Talibanka, ayaa sheegay in sirdoonka iyo militariga Maraykanka uu wax badan kala socday aasaaska Daacishta wadanka Afghanistan kusii fidayey 2dii sano ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale Karzai ayaa soo dhaweeyey in Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalka ee ICC ay baaritaan ku sameyso danbiyadii dagaal ee ka dhacay dalkaasi, "…Xataa danbiyadii Dhacay intuu xilka hayey…”