Siyaasiyiin Waaweyn Oo Faransiis Ah Oo Ku Mudaaharaaday Muslimiin Cibaadadii Jimcaha Ku Gudanayay Goob Fagaare Ah.

0
Sunday November 12, 2017 - 10:25:59 in by Burco Office
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin Waaweyn Oo Faransiis Ah Oo Ku Mudaaharaaday Muslimiin Cibaadadii Jimcaha Ku Gudanayay Goob Fagaare Ah.

    Siyaasiyiin Waaweyn Oo Faransiis Ah Oo Ku Mudaaharaaday Muslimiin Cibaadadii Jimcaha Ku Gudanayay Goob Fagaare Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin Waaweyn Oo Faransiis Ah Oo Ku Mudaaharaaday Muslimiin Cibaadadii Jimcaha Ku Gudanayay Goob Fagaare Ah.

-Ku dhawaad 100 ka mid ah siyaasiyiinta Faransiiska ayaa isugu soo baxay wadooyiinka magaalada ku taalla duleedka Paris iyaga oo ka cabanaya dad Muslimiin oo ah salaadii jimcaha ku tukaday goob fagaara ah.

Siyaasiyiintan oo xidhnaa dhar leh midibo kala duwan ayaa waxa ay ku luuqaynayeen heesta astaanta qaranka .

Dadkan dibad baxa dhigayay ayaa waxa ay carqaladeeyeen dad muslimiin ah oo dhan 200 oo qof oo ku tukanayay fagaara ku yaalla Clichy.


 

Booliiska ayaa kala dhex galay labada dhinac balse waxaa dhacay isku dhac kooban.

Dadka ka soo horjeeda in dadkani ay halkaasi ku tukadaan ayaa waxay ku doodeen in ay tahay mid aan la aqbali Karin in la isticmaalo goob fagaara ah iyada oo Faransiiska uu yahay dal ku dhisan nidaam cilmaani ah.

"Goobaha dadwaynaha loolama wareegi karo sidan,” waxaa sidaasi sheegtay Valérie Pécresse, oo ah madaxa golaha gobolka Paris.