Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Codeeyey kana hadlay Goobo aanayd Doorashadu ka dhacayn

0
Monday November 13, 2017 - 12:17:43 in by salman abdi
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Codeeyey kana hadlay Goobo aanayd Doorashadu ka dhacayn

    Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland ayaacodkiisa ka dhiibtay xarrunta Hay'adda shaqaalaha dowladda ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland ayaacodkiisa ka dhiibtay xarrunta Hay'adda shaqaalaha dowladda ee magaalada Hargeysa.


Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland ayaa waxa ay sheegay inay jiraan saddex goobood oo ay hakiyeen guddiga doorashooyinka Somaliland waxaanu yidhi:

"Farxad weyn ayey ii ahayd inaan maanta codkayga ka dhiibto xarunta hay’ada shaqaalaha dawladda ee caasimada Hargeysa, gobol wal iyo goob wal oo Jamhuuriyadda Somaliland ah hawluhu waxay uga socdaan si fiican, cod bixintuna waxay u socotaa si habsami ah, ammniguna guud ahaan waa sugan yahay, sharaf weyn ayey qarankan utahay in doorashadii Madaxtooyada 13 Novemeber/2017-ka ay si habsami ah u socoto, waxaannu rajaynayaa inay sidaa si la mid ah ku dhammaato.

Waxa ay arintaasi muujinaysaa bisaylka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay muujinaysaa qarankani sida uu isu tashaday, iyada oo wadamo badan oo la aqoonsan-yahay aanay heerkaa gaadhin, Somaliland waa dal madax-banaan hasayeeshee aan wali la aqoonsan.

Doorashadu waxa ay ka socotaa 1642 goobood oo dalka ah, intaan xog-ogaalka ka ahay, ilaa hada sadex goobood ayaa tiradaa ka baaqday, sadexdaas gooboog guddiga doorashooyinka ayaa hakiyey sababo darteed. Doorashadani sumcad weyn ayey qarankan u tahay, Madaxweyne Siilaanyo sumcad weyn ayey u tahay, Xukuumaddayadana waxay u tahay sumcad weyn, xisbiga KULMIYE ee talada dalka hayana sumcad weyn ayey u tahay.

Waxaannu rajaynaynaa inay guul ku dhammaato, shacbiga Somaliland waxaannu ku hambalyeynaynaa dedaalka iyo bisaylka, guddiga doorashooyinka qaranka waannu boggaadinaynaa, ciidamada ammniga ka shaqaynaya waannu boggaadinaynaa, waa u mahad-naqyanaa shacbigana waxaannu leenanay codeeya, si buuxdana doorashada ugu qayb qaata, nabadgalayna ilaaliya oo la shaqeeya ciidamada amaanka ku hawlan.



Wa bilaahi Tawfiiq
Guul Somaliland.