250 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Soo Badbaadiyey Badda Mediterranean

0
Monday November 13, 2017 - 12:23:30 in by Burco Office
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    250 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Soo Badbaadiyey Badda Mediterranean

    250 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Soo Badbaadiyey Badda Mediterranean

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

250 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Soo Badbaadiyey Badda Mediterranean

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen in ka badan 250 oo ay caruur ku jiraan,kuwaasi oo isku dayayay in ay ka soo talaabaan badda Mediterranean.


Dadkani ayaa sida ay shaageen saraakiisha Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain waxa ay doonayeen in ay gaaraan dalalka Yurub.

Tahriibayaashani ayaa laga soo badbaadiyay 5 Doon oo ah kuwa yaryar oo ay la socdeen.

Doomahani ayaa la sheegay in ay ka soo shiraacdeen dalka Morocco islamarkana dadka saarnaa ayaa waxay inta badan ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya.

Hay’ada caalamiga ah ee socdaalka ee (IOM)ayaa sheegtay in muhaajiriin ka badan 15,000 ay soo gaareen Spain sanadkan.

Tirada dadka muhaajiriinta ee u safri jiray Taliyaaniga ayaa hoose u dhacday.

Balse wali waxa Taliyaaniga uu la daalaa dhacayaa tiro ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah oo soo gaaray dalka Taliyaaniga sanadkan.