Raysal Wasaarihii Dalka Lubnaan Saad Hariri Oo Beeniyay In Lagu Xidhey Magaaladda Dalka Sucuudiga

0
Monday November 13, 2017 - 12:25:07 in by Burco Office
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaarihii Dalka Lubnaan Saad Hariri Oo Beeniyay In Lagu Xidhey Magaaladda Dalka Sucuudiga

    Raysal Wasaarihii Dalka Lubnaan Saad Hariri Oo Beeniyay In Lagu Xidhey Magaaladda Dalka Sucuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarihii Dalka Lubnaan Saad Hariri Oo Beeniyay In Lagu Xidhey Magaaladda Dalka Sucuudiga

Saad Hariri oo dhowaan iska casilay xilka ra’iisalaha wadanka Lubnaan ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu dalkiisa ku laaban doono isagoo beeniyay in uu u xiran yahay Boqortoyada Sacudi Carabiya.


Hariri oo ku sugan magaalada Riyad ee Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa wareysigii ugu horeeyay bixiyay tan iyo markii uu toddobaadkii la soo dhaafay ku dhowaaqay in uu iska casilay.

Wareysi uu siiyay taleefishinka Future TV ayaa waxaa uu ku sheegay Hariri inuu xor ku yahay gudaha Boqortoyada Sacudi Carabiya waxaana uu biyo ku shubay warar sheegayay inuu xabsi guri ku jiro ayna Boqortoyada Sacudi Carabiya ku qasabtay inuu is casilo.

"Halkan Boqortoyada Sacudi Carabiya xor ayaan ku ahay oo xornimo buuxda ayaan ku haystaa,laakiin waxaan doonayaa inaan ilaaliyo qoyskeyga.”ayuu yiri Saad Hariri oo toddobaadkii hore si lama filaan ah ugu dhowaaqay in uu iska casilay xilkiisii sababo amni awgii.

Madaxweynaha Lubnaan Michel Oun ayaa ku eedeeyay Boqortoyada Sacudi Carabiya inay ku qasabtay Hariri inuu is casilo isla markaana ay xirtey,hase yeeshee eedeyntaas ayay Boqortoyada Sacudi Carabiya iska fogeysay.