Dadkii dhulgariirku ku helay Iiraan oo habeenkii labaad hoy la'aan ah

0
Tuesday November 14, 2017 - 10:14:49 in by salman abdi
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii dhulgariirku ku helay Iiraan oo habeenkii labaad hoy la'aan ah

    Kumannaan ruux oo reer Iiraan ah ayaa habeenkii labaad hoy la'aan baryay iyadoo ay cimiladu aad u qabawdahay, ka dib markii uu dhulgariir xoog badan ku dhuftay galbeedka dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumannaan ruux oo reer Iiraan ah ayaa habeenkii labaad hoy la'aan baryay iyadoo ay cimiladu aad u qabawdahay, ka dib markii uu dhulgariir xoog badan ku dhuftay galbeedka dalkaas.


Dawladda ayaa la daalaadhacaysa in ay gargaar gaarsiiso goobaha ugu daran ee Kermanshah, halkaas oo kumannaan guri ay ku burbureen.

In kabadan 400 oo ruux ayaa ku dhintay 7,000 oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray markii uu dhulgariirku ku dhuftay agagaarka xadka Iiraan iyo Ciraaq Axaddii.

Iiraan ayaa ku dhawaaqday in Talaadadu ay tahay maalin baroordiiq qaran loo samaynayo dadkii ay dhibaatadu soo gaartay.

Madaxweyne Xasan Rawxaani ayaa booqan doona gobolkaas.

Isbitaal ku meel gaar ah ayaa goobta lafteeda laga sameeyayLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionIsbitaal ku meel gaar ah ayaa goobta lafteeda laga sameeyay
Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in ay rajo yar ka qabaan in ay burburka ka soo saaraan dad noolLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionShaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in ay rajo yar ka qabaan in ay burburka ka soo saaraan dad nool

Masuuliyiinta Iiraan waxay sheegeen in ay dalkooda ku dhinteen 413 ruux.

Xadka Ciraaq oo aysan dad badan ku noolaynna waxay masuuliyiintu sheegeen in ay ku dhinteen sagaal ruux boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Telefishinka Qaranka ee Iiraan ayaa sheegay in kumannaan dad ah oo ka badbaaday dhulgariirka ay habeen kale ku qaadanayaan goobo ku meel gaar ah iyo bannaannada.

Dad badan oo aysan waxba soo gaarin guryahooda ayaa wali ka cabsanaya in ay guryahooda ku laabtaan maadaama oo tobannaan jeer uu dhulku dhaqaqay dhulgariirkii waynaa ka dib.

Mid ka mid ah hay'addaha gargaarka ayaa sheegtay in 70,000 oo ruux ay u baahan yihiin hoy, Qarammada Midoobayna waxay sheegtay "in ay diyaar u tahay haddii loo baahdo".

Ammin dambe oo Isniintii ahna saraakiisha gurmadka degdegga ah ee Iiraan waxay sheegeen in ay inteeda badan soo afjareen gurmadkii lagu baadigoobayay dad nool oo burburka ku hoos xanniban.