Bulshada Burco Oo Ku Falaqaynaysa Goobaha Bulshadu Ku Kulanto Habka Doorashadu U Dhacday Iyo Saadasha Natiijada.

0
Tuesday November 14, 2017 - 11:03:23 in by salman abdi
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada Burco Oo Ku Falaqaynaysa Goobaha Bulshadu Ku Kulanto Habka Doorashadu U Dhacday Iyo Saadasha Natiijada.

    Magalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Waxa Ay Ka Mid Ahayd 21 Degaan Doorasho Ee Somaliland Ama Sida Ay Koomishanku Qaxeen Inay Yihiin Goobaha Laga Dhibanayay Codbinta Somaliland Xadad Dhan Kun Lix Boqal Afartan Iyo Laba (1642 ) Gobood Ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Waxa Ay Ka Mid Ahayd 21 Degaan Doorasho Ee Somaliland Ama Sida Ay Koomishanku Qaxeen Inay Yihiin Goobaha Laga Dhibanayay Codbinta Somaliland Xadad Dhan Kun Lix Boqal Afartan Iyo Laba (1642 ) Gobood Ayaa Subaxnimadii Saaka Ku Waabarisatay Bulshada Burco ,Hadal-Haynta Iyo Saahadasha Natiijada Ee Dorashadii Shalay Ku Qabsoontay Gud Ahaanba Somaliland,


Goobaha Lagu Shaheeyo,Goobaha Ganacsi Iyo Goob Kasta Oo Ay Bulshadu Ku Kulanto Waxa Ay Mid U Xidhan Sadalinta Iyo Hadal Haynta Sidii Fiicanayd Ee Ay Ku Dheehnayd Nabad Galyada Ee Dalka Uga Dhibteen Wajibaadkooda Dastuuriga Shacabka Somaliland,

Bulshadan Ku Nool Magalada Burco Oo Kale Taabacsan Saddaxda Xisbi Qaran Ee Somaliland Ee Ku Loolamaya Hanashadda Kursiga Madaxwayne Ee Shanta Sanno Ee Soo Socda Ayaa Mid Kasta Waxa Ay Jeclaysanayeen Inu Maqlo Natiijo Wanagsan Oo Ku DhahantahayNabadgalyo Oo U Guulaysto Kolba Xisbiga U Tageersan Yahay Ama U Codeeyay,

Gobaha Aan Saaka Booqanay Ayaa Doodaha Ugu Badnaa Ay Ka Mid Ahayd Sida Nabad-Galyada Ahayd Ee Ilahay Ugu Suurta Galinayay Inay U Dhibtaan Codkooda Doorahso ,Sidoo Kale Waxay Amaan Iyo Bogaadin U Muujinayeen Ciidamada Kale Duwan Ee Booliska,Milatariga,Asluubta Iyo Ciidama Wadooyinka Oo Ku Hawlana Xaqiijinta Cod Dhibasho Ku Qabsoonta Nabad-galyo, Sidoo Kale Waxay Aamaneen Komishanka Doorashooyinka Iyo Shacbiga Oo Si Hufan Iskula Jaanqaaday ,

Xalay Aayay Ahayd Markii Komishanka Doorashooyinkii Xaqiijiyeen In Soo Xadhmay Dhiibashada Codbixinta Ee Dalka Oo Dhan,Taasi Oo Keentay Inay Si Wayn Bulshadu U Falanqayso Dorashada Iyo Saadasha Natiijada Doorasho Oo La Filayo In Maalmaha Soo Socda Ay Ku Dhawaqaan Gudida Loo Xushay Inay Gardaadiyaan Doorashada Somaliland,

Si Kasta Ahaate Bulshada Burco Ayaa Jecel In Natiijada Ay Maqlaan Oo Ay La Socoto Bogaadinta Musharaxiinta Kale Ee Lagaga Guulaysto Doorashadda Si Ay U Sugnaato Nabadgalyada Somaliland Oo Ah Mida Qudha Ee Somaliland Ku Caano-Maashay.



Xigasho HadhwanaagNews.com