Faransiiska oo ka digay in la faquuqo Trump iyo Putin
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump iyo Vladimir Putin ay halis ku yihiin qiyamka Yurub, furfurnaantooda iyo dulqaadkooda, balse haddii la go'doomiyo aysan Yurub waxba ka dheefaynin.
"Haddii aad go'aansataan in aad dib uga riixdaan Yurub iyo qiyamkeeda, idinka oo ku leh waxaad khayaamaysaan qiyamkanaga, markaas garabkaaga ayay ka bixi" ayuu u sheegay BBC.
Dad badan ayaa u arka in Maraykanka iyo Ruushku ay jir diidayaan qiyamka gudaha ballaaran ee furfurnaanta.
Madaxweyne Macron ayaa hadalkaas ka sheegay Abu Dhabi, halkaas oo uu xariga kaga jaray madxafka cusub ee Louvre Museum.
- Diyaaradii Muqdisho loo afduubtey 40 sano ka hor oo la dhigayo madxaf ku yaala Jarmalka
- Macron, miyuu luminayaa mucjisadii Faransiiska?
- Masuul Faransiis ah oo ganaax ku mutay hadal uu Muslimiin ka sheegay
- Mali: Al-Qaacida oo soo bandhigtay muuqaalka dad u af-duuban
Wuxuu sheegay in ay tahay calaamad muujinaysa dulqaad iyo kala gadisnaansho gobolka ah.
"Waxaan dhexda u taagannahay dagaallo iyo mashaakillo ka aloosan dalal Muslim ah," ayuu yiri Macron isaga oo waraysi bixinaya dhawaan. "Waxaa muhiim ila ah in la taageero kuwa difaacaya Islaamka furan". Ayuu sii raaciyay.
Faransiiska oo ka digay in la faquuqo Trump iyo Putin
Faransiiska oo ka digay in la faquuqo Trump iyo Putin