Raysal Wasaarihii Hore ee Lubnaan, Al Xariiri Oo U Dhoofay Faransiiska, Si Uu Ula Kulmo Madaxwayne Macron.

0
Saturday November 18, 2017 - 11:34:35 in by Burco Office
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaarihii Hore ee Lubnaan, Al Xariiri Oo U Dhoofay Faransiiska, Si Uu Ula Kulmo Madaxwayne Macron.

    Raysal Wasaarihii Hore ee Lubnaan, Al Xariiri Oo U Dhoofay Faransiiska, Si Uu Ula Kulmo Madaxwayne Macron.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarihii Hore ee Lubnaan, Al Xariiri Oo U Dhoofay Faransiiska, Si Uu Ula Kulmo Madaxwayne Macron.

Ra’isal wasaarihii hore ee Lubnaan Sacad Al-Xariiri ayaa ka dhoofay Sucuudiga oo u kicitimay Faransiiska halkaas oo kuu kula kulmi doono madaxweyne Macron.

Socdaalka Xariiri ugu kicitimay Faransiisku waxa uu muujinayaa marxalad cusub oo ay gashay xiisadda gobolka ka jirta iyo hadalhaynteeda.


Siyaasiyiinta Lubnaan waxay Sucuudiga ku eedeeyeen in uu ra’isal wasaarahooda xidhay inkasta oo Xariiri laftiisu ku nuuxnuuxsaday in uu Riyaad rabitaankiisa xorta ah ku tagayey, sababta uu Lubnaan uga tagayna tahay halis naftiisa soo food saartay. Waxaanu ku eedeeyey ururka Xisbullah iyo dalka Iran ee taageeraa in ay sabab u yihiin xasilooni darrada ka taagan gobolka.

Waxa la rumaysan yahay in talaabadaa dhiirranayd ee uu Xariiri qaaday ay tahay arin sii hurin doonta loolanka labada quwadood ee Iran iyo Sucuudiga.

Xariiri iscsilaadiisii lama filaanka ahayd waxay kale oo dibadda u soo saartay walaac laga qabo in Lubnaan mar labaad noqoto goob ay dalal kale ku diriraan iyaga oo kala adeegsanaya dadka kala qaybsan ee wadankaas.

Waxaa haatan la rajaynayaa in martiqaadkaa madaxweynaha Faransiiku u fidiyey Xariiri xiisadda taagan dejin doono balse aanu soo af jari dooni xaalada taagan.

Xariiri ayaa la sheegayaa inuu muddo ku negaan doono Paris kadib na uu safarro kale ugu kicitimi doono dalal kale oo Carbeed inta aanu ku noqon Bayruud.