Turkiga oo ka xanaaqay sawirkii Ataturk oo lagu gooli baadhay

0
Saturday November 18, 2017 - 11:39:03 in by Burco Office
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo ka xanaaqay sawirkii Ataturk oo lagu gooli baadhay

    Turkiga oo ka xanaaqay sawirkii Ataturk oo lagu gooli baadhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga oo ka xanaaqay sawirkii Ataturk oo lagu gooli baadhay

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in ciidamadiisu ka baxeen dhoola tus milatari oo ay gaashaan buurta NATO ku qabanayso dalka Norway ka dib markii goobaha gooli baadhka la dhigay sawirka aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal Ataturk.

Xog-hayaha guud ee gaashaan buurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa "quudhsigaa" ka dhacay goobta tababarku socday raali gelin ka bixiyey, waxaanu sheegay in falkaa ay sameeyeen shakhsiyaad aan matalin gaashaanbuurta waxaanu ku nuuxnuuxsaday in Turkigu yahay "jaal muhiima oo ka tirsan NATO isla markaana door wax ku ool ah ka qaata nabadgelyada dalalka gaashaan buurta ku bahoobay".

Talaabadan waxa uu ku sheegay Erdogan khudbad uu u jeediyey madaxda laamaha xisbigiisa talada haya ee AK Party, waxaanu yidhi "waxay meel Norway ku taal oo lagu gooli baadhayey sudheen sawirkii Mustafa Kemal Ataturk oo ay magacaygana ku qoreen".

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi "arintan waxa ii sheegay taliyaha Ciidanka, Khaluusi Akaar, iyo wasiirka arimaha Midowga Yurub Cumar Jiliik, oo igu wargeliyey in ay afartan askari oo ciidankeena ka tirsan oo ka qayb galayey dhoola tuskaa ka soo saarayaan, aniguna waxaan ku idhi si dhakhso ah arintaa u fuliya, waxaas oo kale ma aha is gaashaan buuraysi e".

Turkiga oo beeniyey eed ah inuu afduubayey Fathullah Gulen

Milateriga Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

Stoltenberg ayaa sheegay in qofkii waxaa sameeyey isla markiiba laga saaray goobta tababarku ka socdo oo baadhitaanna lagu hayo, waxaanu intaa ku daray inuu falkaa qofka sameeyay ahaa askari hawlgab ah oo haatan rayid noqay oo aan ahayn shaqaale ka tirsan NATO.