Goobjooyaashii Caalamiga Ahaa Oo Ku Baaqay In Dariiqada Shariciga Lagu Xaliyo Khilaafka Doorashada.
Goobjooyaashii Caalamiga Ahaa Oo Ku Baaqay In Dariiqada Shariciga Lagu Xaliyo Khilaafka Doorashada. Goobjoogayaashii Caalamiga ee Doorashooyinka Somaliland ayaa ugu baaqay dhammaan
dhinacyada ay khusayso inay u maraan jidka ee la xidhiidha sharci xalinta khilaafaadkooda doorashada.
War saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii Mr. Michael Walls oo ah madaxa kormeerayaashii caalamiga ahaa ayuu
ku sheegay inay xog-ogaal u yihiin cabashooyin ku saabsan nidaamka tirirnta codadka, laakiin ku baaqayaan in loo
maro tabashooyinkaa hababka caddaaladda iyo sharciga ee ku habboon.
"Dibad-baxa rebshaduhu waxay wiiqayaan nabadii Somaliland ku naaloonaysay, maslaxadna uma ah shacabka iyo
dalka midna. Waan ka warqabnaa cabashooyinka, waxaanan ku baaqyanaa in sida ugu degdega badan
cabshooyinkaa dariiqyadii sharciga ee loogu talogalay si caddaalad ah loogu dhammeeeyo. Waxaan ugu
baaqaynaa
dhammaan dhinacyada inay qaangaadhnimo muujiyaan inta hawshaasi socoto,”ayuu yidhi Mr. Walls.
Kormeerayaasha Caalamiga ah oo Somaliland ku yimmi martiqaad ay ka heleen Komiishanka Doorashooyinka,
ayaa sheegay inay taageersan yihiin nidaamka shaqo ee komiishanka u wadaan xisaabinta iyo soo bandhigida
natiijooyin hordhac ah, sida ugu horeysa ee ugu macquulsan.
Qoraalka Kormeerayaasha caalamiga ayaa intaas ku daray; "Waxaan ayidaynaa baaqa Komishanka ee la xidhiidha
xisbiyadu inay cabashooyinkooda ku soo gudbiyaan habab nabdoon. Waxaan si weyn u qoomamaynaynaa
dhimashada la sheegay, uguna baaqayna dhammaan shacabka Somaliland inay ilaaliyaan nabadgelyada.”
Mr. Walls ayaa sheegay inay jiraan nidaam sharci oo loo maro gudbinta cabashooyinka, marka murran dhaco,
waxaannu yidhi, "Waxa jirta awood komishanku u leeyahiin inay qiimeeyaan arrimaha, marka lagu dhaqaaqo
natiijooyinka hordhaca, waxa jira muddo toddoba maalmood ah oo cabashooyinka si rasmi ah loogu gudbin karo
maxkamadda sare.
Waxaan ku qanacsanahay in hababkii dhaqanka ahaa iyo kuwa sharciga ahba lagu gaadhi doono xal laga gaadho
khilaafaadka.”
Kormeerayaasha caalamiga ah oo ay maalgelisay dawladda Ingiriisku waxay kormeereen maalintii codbixinta
doorashadu socotay 350 goobood oo ku kala yaalla lixda gobol ee dalka, waxaanay warbixintooda hor-dhaca ah u
gudbin doonaan Komishanka doorashooyinka 20ka November, halka ay warbixintooda kama dambaysta ahna
shaacin doonaan horraanta sannadka 2018-ka.
Goobjooyaashii Caalamiga Ahaa Oo Ku Baaqay In Dariiqada Shariciga Lagu Xaliyo Khilaafka Doorashada.
Goobjooyaashii Caalamiga Ahaa Oo Ku Baaqay In Dariiqada Shariciga Lagu Xaliyo Khilaafka Doorashada.