DULMIGII SAGAL JET DHIMASHADII BAR BAAARTA IYO HADALADII DHAAWACAY JIRITAANKA SOMALILAND W/Q,MAXAMED JOKAR.

0
Saturday November 18, 2017 - 15:36:04 in by Burco Office
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DULMIGII SAGAL JET DHIMASHADII BAR BAAARTA IYO HADALADII DHAAWACAY JIRITAANKA SOMALILAND W/Q,MAXAMED JOKAR.

    DULMIGII SAGAL JET DHIMASHADII BAR BAAARTA IYO HADALADII DHAAWACAY JIRITAANKA SOMALILAND W/Q,MAXAMED JOKAR.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DULMIGII SAGAL JET DHIMASHADII BAR BAAARTA IYO HADALADII DHAAWACAY JIRITAANKA SOMALILAND W/Q,MAXAMED JOKAR.


 

Ninkaan aad ujeedaan wuxu soo ahaa wasiirkii dekedaha Somaliland
Wuxu haysta password British ah oo uu sacadu doono ku dhoofi karo
Wuxu deganyahay cariga ingriiska isaga iyo qoyskiisa
Sadex bilood xili Lagu qiyaaso madaxwayne siilaanyo Wuxu ka wareejiyey xilkii ammaanada ahaa ee uu qarankan uhayey isago ku jiray isku shaandhayn wasiiro badan galaafatay oo gudan kari waayey xilkii loo igmaday waxna wasaarado kale loo magacaabay
Isagu wuxu ku jiray wasiiradii booska ay ku fiicanyhiin lawaayey ee xilka uun laga qaaday
Munaasibadii xil wareejinta uu ku wareejinayey wuxu ka yidhi hadalo ammaaana oo uu markaasi ku amaanayo dawladadii wakhtigaasi xilka ukala badashey isaga iyo wasiirkii cusbaa
Intaasi ka bacdi wadanka wuu ka dhoofay waxaanu qabsaday shaqadiisi ganacsiga ahayd ee uu ka hayey UK
Wuxu soo laabtay sanadadii ama bilihii saan saanta doorashadu fooda inagu soo haysay
Wuxu si rasmiya islamarkiiba ugu biiray xisbiga wadani
Intaasi ka dib maxaa dhacay?
16 November 2017 goor galabnimo ah dadku mucaarid iyo muxaafid ay uhalqan tagaayaan doorashada qof walba uu udiyaar garoobayo guul iyo guuldaraba
Isaga iyo xulafo kale waxay soo hor fadhiisteen warbaahinta
Waxaanay ka dhawaajiyeen fal dhiig bax ku ah qarankan
Oo sababay dhimashada sadex ruux dhaawaca afar qof bur burka hantida oo faraha ka baxday
Wali waxa jira xaafado ay tacsidii wali taalo oo laha hal wiil kaasina uu ku dhintay rabshadihii
Habeen kaasi ka dhacay magaaloyinka qaar dalka
Niman kani waxay ka dhawaajiyeen in waraaqo foojari ah lagu arkay sanaduuqdii codbixinta doorashaduna Oo aanay mid cadaalada ahayn islamarkaana kalsonidii iyo wada shaqayntii ay kala laabteen komishanka
Shirkada wadaniga ee sagal jet xaruun ay ku lahayd magaalda burco waxa lagu gubay nolosha yado loogu aabo yeelayo inay ahayd shirkadii samaysay waraaqaha foojariga ah
Baadhitaan kadib waxa la ogaaday in aanay jirin waraaqo fojari ah oo lasameyey
Waxa la ogaaday in buugaas ay hayaan uu yahay buug kamida buugtii komishanka waana buug laga xaday komishanka siday isla qirteenka murshaxa xisbiga wadani iyo komishanku
Yagu umay malaynayn hadalkoodasi inuu yeelanayo samayn ama mahadho xasuus reebidoonta

Hada Yaa Loo Racayaa Nafihii Xaqdarada Ku dhintay Iyo Hantidii Sida Xun Baa,baday