Mustaqbalka Mugabe oo maanta go'aan laga gaarayo

0
Sunday November 19, 2017 - 11:24:29 in by Burco Office
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalka Mugabe oo maanta go'aan laga gaarayo

    Mustaqbalka Mugabe oo maanta go'aan laga gaarayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mustaqbalka Mugabe oo maanta go'aan laga gaarayo

Labo kulan oo xasaasi ah ayaa maanta la filayaa in ay dalka Zimbabwe ka dhacaan, si go'an looga gaaro mustaqbalka Madaxweyne Mugabe.

Saacadaha soo socda Mr Mugabe waxa uu la kulmi doonaa madaxda ciidamada la wareegay awoodda dalkaasi.

Kulamadani ayaa la filayaa in Mugabi lagu cadaadiyo in uu xilka ka dago.

Hogaamiyayaasha xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee Zanu Zanu-PF ayaa ka wadaxaajoon doona in Mugabi laga qaado xilka hogaamiyaha xisbigaasi.

Wadahadalada ayaa noqon doona kuwa ku qotama waxa laga yeelayo mustaqbalka madaxwayne Robert Mugabi.

Kulamada maanta dhacaya ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalintii shalay ahayd ay dibadbaxyo balaaran ka dhaceen magalooyiinka waawayn ee Zimbabwi ,kuwaasi oo mugabi ugu baaqayay in uu xilka ka dago.

Balse wararka ka imanaya dalka Zimbabwe ayaa sheegaya in Mr Mugabe, oo xabsi guri ku jira lagu wado in uu ku gacan sayro baaqa ah in uu iscasilo.

Caqabada imika haysata militariga Zimbabwe ayaa ah in ay ku gulystaan sidii ay ugu qancin lahaayeen Mugabi in uu xilka baneeyo.

Si kastaba ha ahaatee dadka reer Zimbabwe ayaa cadeeyay in aysan doonayn Mr Mugabi iyo xaaskiisa Grace oo uu doorbidayay in ay badasho marka uu xilka ka dago.