Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartay Warbixinteedii Oo Ay Somaliland Diirada Ku Saartay Saldhigii Berbera Iyo Dp Word+Lacagta Ay DP World Soo Marisay Baashe Cawil

0
Sunday November 19, 2017 - 11:24:29 in by Burco Office
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartay Warbixinteedii Oo Ay Somaliland Diirada Ku Saartay Saldhigii Berbera Iyo Dp Word+Lacagta Ay DP World Soo Marisay Baashe Cawil

    Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartay Warbixinteedii Oo Ay Somaliland Diirada Ku Saartay Saldhigii Berbera Iyo Dp Word+Lacagta Ay DP World Soo Marisay Baashe Cawil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartay Warbixinteedii Oo Ay Somaliland Diirada Ku Saartay Saldhigii Berbera Iyo Dp Word+Lacagta Ay DP World Soo Marisay Baashe Cawil

Kooxda Un Monitoring Group ayaa warbixinteedii sanadlah ahayd oo lasoo dhajiyya todobaadkan dhamaaday waxa ay qaybi kamid ah kaga hadashay Somaliland,gaar ahaana saldhiga Milateri ee Imaaraadka laga siiyay Berbera iyo heshiiska ay Dp World kula wareegtay dekeda Berbera.

Warbixinta waxa lagu sheegay in codayntii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen heshiiska Dp World iyo waliba codkii ay labada gole Baarlamaan ku meel mariyeen heshiiska Saldhiga Milateri iyo Dekeda Berbera ay banaanka usoo saareen walaac musuq maasuq oo laga qabo in si khaldan loo isticmaalo hantida qaranka Somaliland.

 


Warbixinta waxa lagu sheegay in Imaaraadka Carabtu uu wakiilka Somaliland ee UAE Baashe Cawil oo uu madaxwayne Siilaanyo Sodog u yahay ay soo mariyeen Shan Milyan oo DOllar oo ku socotay wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan taas oo lagu sheegay inay tahay horumarinta 15 Milyan oo Dollar oo ah kharashka kiradda dekeda.

 

 

Warbixintan waxa lagu ladhay sawir wasiir Samsam Cabdi Aadan oo gudoomiyaha Baanka Maxamed Cabdi ku wareejinaysa lacag Shan Milyan oo Dollar ah.

Warbixintan sidoo kalena waxa lagu sheegay in xildhibaanadii ansixiyay heshiiska Dekeda la siiyay min15000 $ (Shan Iyo Toban Kun oo Dollar),iyada oo xildhibaanada mucaaradka ah ee WADDANI ay warbixintu sheegtay in loo soo mariyay gudoomiye ku xigeenkii wakhtigaasi ee Baarlamaanka haddana ah gudoomiyaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kalena ansixinta saldhiga Milateri waxa xildhibaan kaste la siiyay10,000$ (Toban Kun oo Dollar) .

Waxa warbixinta lagu sheegay in 9-kii May 2016 in ergo ka socotay Somaliland iyo Imaaraadku heshiis is faham ah kala saxeexdeen kaas oo ku saabsanaa dekeda magaalada Berbera.Warbixintu waxay sheegtay in sida heshiiska ka muuqatay ay Dp World harumarin ku samayn doonto dhulka suuqa xorta ah ee Berbera,maal gashi iyo horumarina ku samayn doono dekeda,sidoo kalena ay dawlada SOmaliland ka taageeri doonto dhismaha jidka Berbera ku xidha xuduudka Itoobiya.

Waxa kale oo warbixintan lagu soo qaaday sida ay Dp World iyo dawlada Somaliland u kala leeyihiin saamiga heshiiska dekeda Berbera.Warbixinta oo ka hadlaysa fadhigii golaha wakiilada ee lagu ansixiyay heshiiskii dekeda Berbera ay Dp World kula wareegtay waxa lagu yidhi

” 9-August 2016 golaha wakiilada SOmaliland ayaa shir ku yeeshay Hargeysa,73 xubnood ayaa goob joog ahaa,sagaal xubnood ayaana ka maqnaa,Shir gudoonkii golaha ayaa xildhibaanada ku wargeliyey in madaxwaynuhu uu Dp World u doortay inay horumarin ku samayso dekeda Berbera,xildhibaanada waxa lagu war geliyey in Dp World ay soo bixisay 5 Milyan Oo Dollar oo ah wajigii hore ee 15 Milyan oo Dollar oo ah kharashkii wareejinta dekeda Berbera,taas oo ay wasiirada maaliyadda Samsam Cabdi Aadan usoo marisay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil oo ah wiil uu madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay”.

Warbixintu waxay intaasi raacisay "Waxa kale oo markaas lagu dhawaaqay in dhamaan xildhibaanada mashruucan taageera la siin doono midkiiba 15,000$ (Shan iyo Tobban Kun Oo Dollar).Codkii la qaaday wuxuu ku ansaxay 69 xildhibaan oo ogolaaday iyo Afar kasoo horjeestay,xubnaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI waxay kooxdan Un Monitoring Group u sheegeen in qaybtooda loo soo mariyay Baashe Maxamed Faarax oo markaasi ahaa ku xigeenka koowaad ee gudoomiyaha wakiilada Somaliland”.

Warbixinta UN Monitoring Group oo kasii hadlaysa fadhigii labada gole ee uu gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ee la ansixiyay saldhiga Miateri ayaa lagu yidhi .

"12 February 2017,waxa labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) loo qabtay fadhi lagaga wada hadlayay saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ee Berbera,gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hagayay fadhiga.Wuxuu xildhibaanada ku war geliyey in madaxwaynuhu golaha soo hordhigay codsi ah in ay ansixiyaan saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta,ka hor cod qaadista, 8 xubnood oo WADDANI ah oo kasoo horjeestay heshiiska ayay ciidamada amaanku si cad uga saareen dhismaha Baarlamaanka,waxaana uu codkii noqday 144 ansixiyay iyo laba kasoo horjeestay. Xildhibaanadii u codeeyey heshiiska Saldhiga waxa la siiyay10,000 $ (Toban Kun Oo Dollar),Baashe Maxamed Faarax ayaa mar labaad lacagta u qaybiyay xubnihii WADDANI”.

Warbixintan UN Monitoring Group waxay sheegtay in labadaasi fadhi ee lagu ansixiyay dekeda Berbera iyo Saldhiga Milateri ay banaanka soo dhigeen walaaca laga qabo in hantida Qaranka si khaldan loo isticmaalo.

"Marka lagu daro raadadka ka dhalan kara cuna qabataynta hubka,waxa dheer in labadaasi codaynood ay kor usoo qaadeen walaacii la xidhiidhay musuq-maasuqa iyo suurtogalnimada in si qaldan loo isticmaalo ilaha dhaqaalaha ee dalka”sidaas ayay tidhi Warbixinta UN Monitoring Group



Source:- Geeska