Maxay isaga mid yihiin dadka Jarmalka iyo qaxootiga Suuriyaanka ah?
Intii u dhaxaysay sanadihii 1944-tii illaa 1947-dii, dad lagu qiyaasay 12 milyan oo qof oo dadka Jarmalka ah ayaa guryahooda ka qaxay, waxaana intaas usii dheeraa gaboodfaladii uu geystey nidaamkii naasiga.
Balse taariikhdooda wax badan lagama sheegin, inteeda badana waa la'iska hilmaamay illaa iyo markii qulqulka qaxootiga Suuriya uu biloowday sida uu ku waramayo Bethany Bell.
Dadka dhashay xiligii qaxa Jarmalka waxaa ka mid ah haweenayda lagu magacaabo Christa Nolte, waxa ay dhalatay bishii April, sanadkii 1943-dii.
- Qaxootiga Suuriya oo gargaarkii ugu horreeyey helay
- Maxkamadda Yurub oo xukun ka gaartay qaxootiga
- Qaxooti Suuriyaan ah oo Kanada ku nool oo wiilkooda u bixiyay Justin Trudeau
"Waxaan qaxnay horaantii 1945-tii, aniga, hooyadey, iyo ayayday, waxaa magaalada kusoo fool lahaa ciidamadii naasiyiinta, wax kasta waan ka qaxnay" ayay tiri Christa.
Waxay ka daganaayeen magaalada Goldberg oo hadda ah dalka Poland, marka ay marayaan magaalada Dresden ayuu joogsaday tareenkii waday kadib markii ay biloowdeen duqeymihii cirka ee ciidamada isbahaysiga ee Maraykanka hoggaaminayay.
Halkaas ayay lug ka bilaabeen xili aad u qaboow , iyaga oo sii jiiray barafka, halkaas oo ay Christa ku xanuunsatay.
Markii la go'aamiyay in dhulka ay ka mid tahay magaalada Goldberg oo ay ku dhalatay lagu daray Poland, lagana jaray Jarmalka , ayay markale Christa iyo qoyskeeda bilaabeen qax labaad.
"9 maalmood ayaan tareen saarnayn, maanan garanaynin halka aan u socono, dhammaanteen injir iyo qanjicil ayaa na galay" ayay tiri Christa.
"Markii aan gaarnay magaalada Duesseldor ayaa waxaa naloo geeyay beeralay aan la noolaanayno, balse iyagana waxa ay na weeydiiyeen mad-habta masiixiga ee aan haysano, iyaga waxa ay ahaayeen Catholic, anagan Protestant, waxayna ahayd qaladkii ugu weynaa ee aan galnay" ayay tiri.
Qisooyinka la midka ah tan Christa oo kale waa kuwa aad u badan, waxaana kuu sheegaya dadka aad Jarmalka kula kulanto badankooda.
Waxaa hadda la mid ah qaxootiga Suuriyaanka ah ee Jarmalka tagay, kuwaas oo maray marxalad la mid ah dadka Jarmalka u dhashay ee dagaalkii labaad ee adduunka saamaynta ugu xun ku yeeshay.
Qaxootiga tirada badan ee Suuriya kasoo qaxay ee hadda laga aqbalay dalka Jarmalka ayaa soo dhaweyn iyo dareen wanaagsan kala kulmay dad badan oo sida Christa oo kale ah,
Maxay isaga mid yihiin dadka Jarmalka iyo qaxootiga Suuriyaanka ah?
Maxay isaga mid yihiin dadka Jarmalka iyo qaxootiga Suuriyaanka ah?