Farmaajo Oo Imaaraadka Ugu Baxay, Saldhiga Berbera, Wareejinta Masrada iyo Qodobo Kale Oo Somaliland Ku Saabsan Oo La Filayo Inuu Kala Hadlo.

0
Monday November 20, 2017 - 16:46:16 in by Burco Office
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Imaaraadka Ugu Baxay, Saldhiga Berbera, Wareejinta Masrada iyo Qodobo Kale Oo Somaliland Ku Saabsan Oo La Filayo Inuu Kala Hadlo.

    Farmaajo Oo Imaaraadka Ugu Baxay, Saldhiga Berbera, Wareejinta Masrada iyo Qodobo Kale Oo Somaliland Ku Saabsan Oo La Filayo Inuu Kala Hadlo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo Oo Imaaraadka Ugu Baxay, Saldhiga Berbera, Wareejinta Masrada iyo Qodobo Kale Oo Somaliland Ku Saabsan Oo La Filayo Inuu Kala Hadlo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.
Sida lagu daabacay wakaaladda wararka dowladda ee SONNA, Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xidhiidha Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

 


Wararku waxay intaas ku darayaan in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadli doonaan arrimaha la xiriira Saldhiga Milateriga ee imaraadku ka dhisanayo Magaaladda Berbera, Heshiiska DP world ee Dekedaha Berbera ee ay xukuumadda Somaliland dhawaan hirgalisay, sidoo kale waxa uu kala hadli doonaa dekedda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.
Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay, hase yeeshee inuu arrimaha dekedda Berbera kala hadlo Imaaraadka ayaa ah arrin la filayo inaanay waxba ka midho dhalin maadaama sida cad aanay dawladiisu gacanta ku hayn waxna ka qaban karin dhulka Somaliland.