Warbixin: Qodobada Furaha U Noqday Guusha Muuse Biixi Cabdi

0
Wednesday November 22, 2017 - 11:17:09 in by Burco Office
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Qodobada Furaha U Noqday Guusha Muuse Biixi Cabdi

    Warbixin: Qodobada Furaha U Noqday Guusha Muuse Biixi Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin: Qodobada Furaha U Noqday Guusha Muuse Biixi Cabdi

Inkastoo uu guddiga doorashadu 10 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, misna saadaal badan ayaa dhankaas u janjeedhay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin. Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey?

Siyaasad iyo dhaqan

Midda ugu horraysa, murankuna aanu ka taagnayn waa codadka la dhiibtay oo musharraxa xisbul-xaakimka uu ka helay 305,909 cod, kuwaa oo u dhigma 55.19%.

Wuxuu si wanaagsan oo weliba xeeladaysan u adeegsaday ololihiisa oo uu u isticmaalay hannaan siyaasadda iyo dhaqanka oo la isku dhafay. Tusaale ahaan, beel aan aad u taageersanayn, dhalasho ahaanna ay u siman yihiin isaga iyo ninka ay aadka isku hayeen ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa deegaan ay xoog ku lahaayeen waxaa lagu dhagaxyeeyey gaadhiga Muse Biixi (lama hubo inuu saarnaa).

Gogol ayuu u dhigtay isagoo xaal ka dalbaday maadaama aysan labada murashaxba beesha ka tirsanayn, wuxuuna ku saleeyey eeddiisa in isaga laga hiilliyey oo sabab la’aan lagu dhagaxyeeyey.

Markii la ogolaaday in la xaal mariyo ayuu yidhi "waad mahadsan tihiin lacagna idinkagama baahni laakin igu xaal mariya codkiina oo isaga I siiya” waxaa la aaminsan yahay in beeshaas u codad aad u badan sidaa uga helay. Isla xagga dhaqanka oo siyaasadda Somaliland ay ku qotontana waxaa abtiyaal u ah beesha uu ka soo jeedo murashaxa mucaaradka.

Taageerada madaxweynaha xilka ka degaya iyo xisbiga talada haya ayaa kaalin weyn ka cayaaray inuu soo baxo.

Dagaalkii SNM

Waa nin Somaliland sumcad kaga dhex leh dagaalkii SNM oo uu ka mid ahaa raggii jabhaddaas soo hoggaamiyey. Sidaa awgeed bad badan oo reer Somaliland ah ayaa Biixi u arka in uu yahay in u soo halgamay, taasi oo uu codad badan ku kasbaday.

Go’aan adeyg

Dabeecad ahaan waa nin furfuran oo dadka yaqaanna ay ku tilmaameen in uu yahay nin la fahmi karo, waxna fahmi kara. Waxay kaloo ku tilmaameen inuu yahay nin go’aan adag oo aan ka laaban waxa u go’aansado. Taasi waxay keentay in uu isagu toos maamusho ololihiisa.

BBC