Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Zimbabwe Oo Dib Ugu Laabtay Dalkiisa Si loogu Dhaariyo Xilka uu iska casilay Mugabe

0
Thursday November 23, 2017 - 10:36:19 in by salman abdi
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Zimbabwe Oo Dib Ugu Laabtay Dalkiisa Si loogu Dhaariyo Xilka uu iska casilay Mugabe

    Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa dib ugu laabtay magaalada Harare,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa dib ugu laabtay magaalada Harare,

si maalinta jimcaha loogu dhaariyo xilka uu iska casilay Robert Mugabe oo muddo 37 sanno soo xukumayay dalka Zimbabwe.

Mnangagwa oo sidoo kale loo yaqaano Crocodile (Yaxaaska) ayaa 71 sanno jir ah, isaga iyo Madaxweynaha 93-jirka is casilay waxaa ka dhaxeeyay xiriir aad u wanaagsan illaa sanadkii 1980-kii oo xukunka dalkaas uu la wareegay Mugabe.

Emmerson Mnangagwa ayaa u baxsaday dalka Koofur Afrika, labo todobaad ka hor markii uu xilka ka qaaday Mugabe, waxaana uu sabab u ahaa xiisada siyaasadeed ee dalkaas uu galay, taasoo markii dambe keentay in Milateriga ay soo farageliyaan.

Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay in uu noqdo madaxweynaha xisbiga, waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka degay Robert Mugabe.


Guud ahaan dalka Zimbabwe ayaa waxaa ka jiray dabaal degyo waa weyn, kaddib markii maalin ka hor uu is casilay Madaxweyne Robert Mugabe.


Mnangagwe ayaa u baxsaday dalka Koonfur Afrika labo todobaad ka hor, kadib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna dalkiisa ku laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF.

Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay in uu noqdo madaxweynaha xisbiga, waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah.

Afhayeenka xisbiga ayaa sheegay in ninkan oo 71 jir ah uu dhamaysan doono mudada xilka uga dhimanayd Mugabe oo ah illaa bisha sebtembar ee sanadka 2018-ka, xiligaas oo la qaban doono doorashooyinka guud.

 

Waxaa lagu naaneesaa 'Yaxaaska', waxayna ugu baxday fikirka laga qabo ee ah in uu yahay nin arxan daran.

Isaga oo waraysi siiyay wargeyska NewsDay ayuu yiri "Anaga oo wadajirna ayaa waxaan xaqiijineynaa in aan adkeyno dimoqoraadiyadeena, islamarkaasna wax kasta aan si cusub u biloowno dalka oo dhan".

Sida uu qabo dastuurka, madaxweynaha kumeelgaarka ah waxaa qabanaya madaxweyne ku xigeenka, hase yeeshee kan hadda jooga Phelekesela Mphoko ayaa loo arkaa in uu xulufo la yahay xaaska Mugabe, Grace, waxayna u badantahay in uusan dalka ku sugnayn, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xisbiga ZANU-PF uu xilkaba ka qaaday.

Dadka qaarkood ayaa isweeydiinayay xil ku wareejinta Mnangagwa ay keeni karto isbadal dhab ah.

Waxa uu ahaa taliyaha nabad suggida markii la laayay kumanaan shacab ah oo mucaarad ku ahaa Mugabe waxyar kadib markii xornimada la qaatay sanadkii 1980-kii.

Hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in Zimbabwe ay qaaddo dhabbo cusub oo ay ka mid tahay in la helo doorasho xaq iyo xalaal ah.

David Coltart oo ka mid ah mucaaradka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray oraahdan "Waxaan aan meesha ka saarnay nin arxan daran, balse arxan daradii wali waa jirta".

Madaxweynaha Midoowga Afrika Alpha Conde ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa dhacay, balse uu ka xunyahay qaabka ay wax u dhaceen "Waa ceeb in uu ka boxo albaabka dambe" ayuu yiri.




 

Sources:BBC