Faa'iida Iyo Faado Darada Nidaamka Qabyaalada Ee Ay Somalilaand Kudhaqanto W/Q:Abdirahman Ahmed Omar

0
Thursday November 23, 2017 - 11:07:19 in by Burco Office
  • Visits: 1524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'iida Iyo Faado Darada Nidaamka Qabyaalada Ee Ay Somalilaand Kudhaqanto W/Q:Abdirahman Ahmed Omar

    Nidaamka loo yaqaan qabiilku waxaa uu soo jiray mudo aad udheer oo qarniyaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamka loo yaqaan qabiilku waxaa uu soo jiray mudo aad udheer oo qarniyaal ah.

Hordhac(Introduction)

Nidaamka loo yaqaano qabiilka(clan) waxaa lagaga dhaqmaa meelo badan oo aduunka ah gaar ahaan qaybo kamida Asia iyo Africa.hadaba dadka reer Somaliland oo ku nool geeska afrika waxaay kamid yihiin dadyawga sida aadka ah u aaminsan kuna dhaqma qabiilka.hadii aad ufiirsato nolosha maalin laha ah ee dadka  waxaad  ogaanaysaa samaynta xoogan ee uu qabiilku ku leeyay dadka reer Somaliland.waxaana saameeyaa nolosha caadiga  sidaganacsiga,shaqada,guurka,siyaasada,I.w m.la bada ay aadka udhexgashayna waa shaqada iyo siyaasada. Arinta shaqada waxaan umalaynayaa waxaa sababay lama arimood waata koowaade  dadka somalidu malaha .ID. iyo waxlagu garto haduu waxameeyo qofka shaqaalha ihi.markaa qofka IDgiisu waa qabiilkiisa.

Talabaadna waxaa sababa maadama dadka reer Somaliland yihiin dad faqiira noloshuna ku adagtay  waxaa yar fursadaha shaqada wadanka ka jira taasina waxaay keenaysaa nidaamka qabiilka.

 

Qodobka kale ee aay aadka udhexgashayna waa siyaasada Somaliland marka taariikhda dibloo raaco siyaasada Somaliland waxaa ugu horeeyay sanadkii 1954, ilaa 1960. Lixdaa sanadood siyaasada Somaliland waxaau ku salaysnayd wadaniyad (citizenship) laakiin wixii ka danbeeyay 1960 guud ahaan siyaasada somalida iyo qabyaaladu waa is dhex galeen. Sababta aay ilaa imikadaa iskugu jiraana waa su aal utaala dadka dadka waxbaadha inaay jawaab uraadiyaan.

Hadaba su aasha miiska inoo saarani waxaaye nidaamkani maxaa uu faa iido leeyay, maxaa uu dhibaato leeyay.

Dhibaatada(dis advantage)

·         Waxaa uu hoos udhigaa kartida bini aadamka(human competence) sabatoo ah lama eegayo  qofka kartidiisa iyo awooda dabiiciga ah uu lee yay waxaa la  eegayaa uun qabiilkiisa halkaana waxaa ku lumaysa hibadii qofka ee ay ahayd inaa laga wada faa iidaysto.

·         Waxaa hoos udhigaa wadaniyada (citiszenship) halkii uu qofku wadankiisa daacad u noqon lahaa  waxaa  noqonayaa qabiilkiisa. Hadii uu yidhaa labadaba waan isku wada yaana maaha laba nidaam oo is qaadana  waaynay iska soo horjeedaan (citizenship and clanhip)

·         Waxaa kale oo ka faa iidaysta nidaamka qabyaalada dadka aan fiicnayn maadama oo aan dadka lagu kala saarayn waxaa uu hibo uleeyay laakiin waxaa la eegayaa ay tahay qabiilka taasi waxaay faa ido unoqonaysaa dadka aan waxba ku fiicnayn(good for nathin)

Faa iidada(advantage)

 

Sida  aay aamin san yiin dad farabadan  ayaa waxaay ku doodaan inaay qabiilku faa iido leeyay. Markaa hadaii dhinacan layska taagao qabiilku muxuu faa iido leeyayay

·         Waxaa uu ka qaybqaataa nidaamka loo ya qaano maamul daa dajinta (decentralization) waxaana taas caan ku ah hogaamiye dhaqmeedyada(traditional leaders) tusaale ahaan hogaamiye dhaqmeedku waxaa uu xidhiidh la leeyay .agaasime.agaasimahuna.wasiir. wasiirkuna madaxwayne. Markaa waxaa isku xidhayaa nidaamka qabiilku qofkii wadanka ugu sareeyay.iyo qofka muwaadinka caadiga ah

·         Waxaa uu ka qaybqaataa is aamimaada ganacsiga, dadka shirkda wada lihi maadama  ay is garanayaan  haduu mid wax sameehyo. Waxaalaga jarayaa xafadooda

·         Waxaa kale oo uu fududeeya  helida dadka danbiyada sameeya. Maadama dadka ay wax isku yihiinoo dhan lagaranaayo markaa la soo raadinayo. Waa la helaa inta badan

Gabagabo

Nidaamka loo yaqaan qabiilku waxaa uu soo jiray mudo aad udheer oo qarniyaal ah.markaa waxaa u ubaahan yay cilmibaadhis qoto dheer  inaa lagu sameeyo  iyadoo layska taagayo dhinacyo badan.arinta kale ee muhiihka ahi waxaa weeyi qodobada aan waxa ka taabtay maaha kuw kaliya ee saamaayaa nidaamka ka qabyaalada.hadii ay noqon lahayd dhinaca faa iidada iyo dhidhanaca faa iido daradaba waxaananan soo qaatay intii aan islahaa wat ugu muhiimsantahay.


Abdirahman Ahmed Omar

October 7,2017

shirwac11an@gmail.com