Booliska oo xoog ku galay xeerada qaxootiga ee Manus

0
Thursday November 23, 2017 - 11:33:45 in by Burco Office
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo xoog ku galay xeerada qaxootiga ee Manus

    Booliska oo xoog ku galay xeerada qaxootiga ee Manus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska oo xoog ku galay xeerada qaxootiga ee Manus

Xerada qaxootiga lagu hayo ee jasiiradda Manus ee ku taal Papau New Guinea ayaa askar booliska ahi qasab ku galeen si ay afar boqol oo nin oo diiday in ay ka tagaan xeraada uga saaraan. Xeradaa ayaa dawladda Australia si rasmi ah u xidhay bishii hore.

Ka dib saddex todobaad oo la isku mari la'aa xeradaasi ku taal jasiiradda Menas, ayaa booliska wxay gaareen halkaasi ayagoo ku amray qaxootiga ku sugan inay ka baxaan oo ay ogolaan in loo raro goobo kale.

Qaxootiga ku sugan xeradaasi ayaa sheegay in qaarkood jirdil loo geystay, balse muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya buuq iyo is riix riix aan gacan ka hadal gaarsiineyn.

Lahaanshaha sawirkaABDUL AZIZ ADAM
Image captionXerada qaxootiga ee jasiiradda Manus

Dowladda Australia oo qaxootigaasi gaysay xeradaasi si loo tixgaliyo codsigooda magangelyo, ayaa ku eedeysay inay goobtaasi burburiyeen, ayna doorteen inay kusii noolaadaan.

Balse ururada gargaarka ayaa ku baaqay in qaxootigaasi loo fidiyo gurmad caalami ah.