Madaxweyne Waare oo sheegay in ay daahfurayaan Barnaamijka isku dhafka ciidamada

0
Friday November 24, 2017 - 16:49:19 in by salman abdi
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo sheegay in ay daahfurayaan Barnaamijka isku dhafka ciidamada

    Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay daahfuri doonaan Barnaamija isku dhafka ciidamada dowladda oo horay uga ugu heshiiyeen dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay daahfuri doonaan Barnaamija isku dhafka ciidamada dowladda oo horay uga ugu heshiiyeen dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.


Madaxweyne Waare ayaa sheegay in qorshaha ugu horeeya yahay in magaalada Beledweyne lagu tababaro ciidamo Boliiska isku dhaf ah oo ka kala iman doona guud ahaanba deegaannada Hirshabeelle.

‘’Waxaa qorshaheennu yahay in halka [Beledweyne] ka daah furno tababar la siinayo ciidamo Booliiska oo isku dhaf ah kuwaa oo ka kala iman doona dhamaanba deegaannada uu maamulka Hirshabeelle ka kooban yahay si ay ugu suurtagasho in ciidamadu ka howlgalaan deegaannada oo idil’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Arrinta ku saabsan tababarka ciidamada ayuu sheegay in tababarka ciidamada gacan ka geysan doonaan dowladda Ingariiska iyo xafiiska UNSOM oo aan arrintan ka wada hadalnay ayuu yiri madaxweyne Waare.

Dowladda Dhexe iyo maamul gobolleedyada ayaa isku afgartay in la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo ka howlgala guud ahaanba dalka.