Tirada Maxaabiista Soomaalida ee ku xirxiran Xabsiyada caalamka oo la shaaciyey

0
Friday November 24, 2017 - 16:54:02 in by salman abdi
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Maxaabiista Soomaalida ee ku xirxiran Xabsiyada caalamka oo la shaaciyey

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay arimo badan oo ka mid ah howsha xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo horumarada laga gaaray waajibaadka loo xilsaaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay arimo badan oo ka mid ah howsha xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo horumarada laga gaaray waajibaadka loo xilsaaaray.


Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka ee lagu eedeeyay iney xiriir la yihiin falal burcad badeednimo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka war heyso xaalada muwaadiniintaasi, isla markaana ay socdaan hanaan qaarkood lagula soo wareegayo.

Wuxuu sheegay Dr. Axmed Cali Daahir in ku dhawaad 1024-ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xabsiyada 22-dal oo ka ka mid ah caalamka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay iney hoos u sii dhacayaan tirada maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Seycheles, India, Kenya, Tanzaaniya, Cumaan iyo waliba Wadamada Khaliijka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Dr. Axmed Cali Daahir wuxuu carabka ku adkeeyay iney socdaan dadaalo hadda la doonayo in lagula soo wareego 12-Qof oo muwaadiniin Soomaaliya oo ku xiran dalka Seycheles, kuwaas oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo.

Sidoo kale, dalka India ayuu sheegay iney u socdaan wada hadalo,isla markaana ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ka mid tahay isweydaarsi maxaabiis, wuxuuna xusay in hadda Dowladdu qorsheyneyso sidii maxaabiis dhowr ah India ugala soo wareegi lahayd.

Dalka Cumaan, waxaana ku xiran ku dhawaad 34-ruux oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo, wuxuuna Dr. Axmed Cali Daahir tilmaamay iney ku daba jiraan sidii loo soo deyn lahaa.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa xaqiijiyay iney jiraan dalal badan oo ay kula jiraan wada hadalo lagu soo sii deynayo maxaabiista Soomaaliyeed si ay haddii ay jirto danbiga lagu eedeynayo loogu qaado wadankooda.