DAwlada Iran oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Maxamed bin Salman ku yidhi Ayatollah waa Hitler

0
Saturday November 25, 2017 - 10:30:43 in by Burco Office
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAwlada Iran oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Maxamed bin Salman ku yidhi Ayatollah waa Hitler

    DAwlada Iran oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Maxamed bin Salman ku yidhi Ayatollah waa Hitler

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAwlada Iran oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Maxamed bin Salman ku yidhi Ayatollah waa Hitler

Iran ayaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga ku sheegtay in uu yahay qof aan "garaadkiisu bislaan" ka dib markii uu isagu ku tilmaamay hogaamiyaha saree Iran Hitler kii bariga dhexe.

Dagaalkan afka ah ee labada dal ee gobolka ku loolamaya dhex maraya ayaa wasarada arimaha dibadda Iran tidhi Maxamed bin salman ha ka "fikiro masiirka" digtaytarada gobolka.

Amiirka oo hogaamiya dhabta ah ee sucuudiga ayaa layn adag ka qaatay Iran.

Wuxu u sheegay New York Times in aanu ogolaan doonin fidida saamaynteeda.

"waxaanu yurub ka barangay in maslaxaadu aanay shaqaynin. Ma doonayno Hitler cusub oo Iran oo ku celiya wixii ka dhacay yurub bariga dhexe" ayuu yidhi isagoo tixraacay Ayatollah Ali Khamenei.

Hadalkiisaas ayaa soo jiitay jawaab adag oo Tehran ka timid.

Wasaarada arimaha dibada Iran af hayeenkeeda Bahram Qasimi ayaa ku eedeeyay amiirkan dhaxalka leh inuu yahay mid aan "garaadkiisu bilsaan, aan fiirsanay oo hadal aan sal lahayn iyo dhan"

"waxaan aad ugula talinayaa inuu ka fikiro masiirka digtaytarada caanka ah ee gobolka ee sanadadii la soo dhaafay imika intuu ka fikirayo siyaasadahooda iyo dhanqankooda oo tusaale u ah" ayuu yidhi.