Is-Baddalka Layaabka Leh Ee Ku Yimid Qaabkii Gobollada Dalku U Codayn Jireen ,WADDANI Oo Jebiyey Deyrka Gobollo Aan Hore Loogu Gali Jirin KULMIYE Oo Deegaamo Kasoo Horjeedi Jiray Kasbaday!

0
Sunday November 26, 2017 - 13:10:39 in by Burco Office
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-Baddalka Layaabka Leh Ee Ku Yimid Qaabkii Gobollada Dalku U Codayn Jireen ,WADDANI Oo Jebiyey Deyrka Gobollo Aan Hore Loogu Gali Jirin KULMIYE Oo Deegaamo Kasoo Horjeedi Jiray Kasbaday!

    Is-Baddalka Layaabka Leh Ee Ku Yimid Qaabkii Gobollada Dalku U Codayn Jireen ,WADDANI Oo Jebiyey Deyrka Gobollo Aan Hore Loogu Gali Jirin KULMIYE Oo Deegaamo Kasoo Horjeedi Jiray Kasbaday!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is-Baddalka Layaabka Leh Ee Ku Yimid Qaabkii Gobollada Dalku U Codayn Jireen ,WADDANI Oo Jebiyey Deyrka Gobollo Aan Hore Loogu Gali Jirin KULMIYE Oo Deegaamo Kasoo Horjeedi Jiray Kasbaday!

Doorashooyinkii Madaxtooyada Somaliland ee sida dimuquraadiga ah shacabku codkooda uga dhiibteen oo noqonaya saddex doorashado oo kala qabsoomay sannadihii 2003, 2010 iyo 2017, Inkasta oo xisbiga WADDANI kaliya tan ugu dambaysay ka qayb galay oo uu yahay xisbi cusub ayaa waxa arrin xiiso leh noqonaysa is- baddalada siyaasadeed ee Gobolada qaarkood ku yimid marka laga hadlayo qaabka ay codkooda u bixin jireen shacabka ku nooli ee ay xisbiyada ugu kala codayn jireen iyada oo dhinaca kale arrin layaab leh uu noqonayo Xisbiga Mucaaridka ha ee UCID oo saddexdaasi doorashaba ka qayb galay in hoos u dhac aad u weyni ka muuqdo doorashadan ugu dambaysay marka la barbar dhigo labadii hore.

 

 

Xisbiyada KULMIYE iyo UCID waxa ay doorashadan Madaxtooyada ee ugu dambaysay ka qayb galeen markii saddexaad halka xisbiga WADDANI isagu markii koowaad uu ka qayb galay. Dadka siyaasadda Somaliland lafa-guraa waxa ay si weyn u hadal hayaan is baddallada ku dhacay qaabkii Gobolada Somaliland codkooda u dhiiban jireen ee ay xisbiyada ugu kala codayn jireen iyada oo si weyn loo hadal hayo gaar ahaan Gobolka Togdheer oo ahaa hormuudka xuddunta taageerada xisbiga KULMIYE ayaa waxa arrin xiiso leh noqotay in Markii ugu horraysay wadarka codadka Gobolka Togdheer xisbiga KULMIYE lagaga horreeyey doorashadan ugu dambaysay oo uu xisbiga WADDANI doorkan kaalinta koowaad ku soo baxay.

 

 

Codadka Xisbiga KULMIYE ka Helay Gobolka Togdheer Labadii Doorasho ee ugu dambeeyey waxa ay kala ahaayeen: Doorashadii 2010 oo uu Gobolkan ka helay 75,746 iyo doorashadan ugu dambaysay ee 2017 oo uu ka helay 58,212 Cod, Halka Xisbiga WADDANI Gobolka Togdheer uu ka helay 59,509 cod waxaana sidaa lagaga guulaystay codad dhan 1,297-cod.

 

Gobollada Saaxil iyo Awdal oo taariikhda siyaasadeed ee Somaliland aanu codadka ugu badan ka heli jirin xisbiga KULMIYE, ahaana Gobolo taageeri jiray xisbigii Burburay ee UDUB ayaa sannadkan codadkii ugu badnaa siiyey Xisbiga KULMIYE iyada oo uu Saaxil labada xisbi ee kaleba kaga horreeyey halka uu Gobolka Awdalna kaalinta labaad ku galay codad aad u kooban oo WADDANI kaga horreeyey.

 

 

 

Gobolka Sanaag oo xisbiga KULMIYE doorashadii 2010 ka helay codad dhan 28,631, halka xisbiga UDUB wakhtigaasi ka helay 22,580 oo uu sidaa KULMIYE kaga horeeyey ayaa doorashadan 2017 waxa kaalinta koowaad ka galay xisbiga WADDANI oo isagu ka helay codad dhan 27,547 Halka xisbiga KULMIYE oo kaalinta 2aad galay uu ka helay codad dhan 25,395. Waxa xusid mudan in xisbiga KULMIYE gobolkaasi Sanaag doorashadii ugu dambaysay ee 2010 uu kaalinta koowaad u galay isaga oo helay codad dhan 28,631 halka xisbiga UDUB kaalinta labaad ku galay 22,580.

 

 

Xisbiga UCID oo sida aan soo sheegnay dhammaanba doorashooyinkaasi saddexda ah ka qayb galay ayaa hoos u dhac weyni ka muuqdaa waxaanu sannadkan aad hoos uga dhacay heerkii doorashooyinkii ka horreeyey. Waxaanu ugu roonaa doorashadii dhexe ee 2010. Xisbiga UCID saddexdaasi doorasho waxa uu kala helay wadarta codadka doorashooyinka:
2003 – 77,160- Cod
2010 – 92,459- Cod
2017 – 23,141- Cod

 

Xisbiga KULMIYE guud ahaan saddexdaasi doorasho waxa ka muuqata korodh aad u sarreeya iyo in uu sare u kacayay mar walba codadka uu helayay waxaanu kala helay:
2003- 205,373- Cod
2010- 266, 906- Cod
2017- 305,909-Cod