Duqeymo lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay Suuriya

0
Monday November 27, 2017 - 09:25:54 in by Burco Office
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymo lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay Suuriya

    Duqeymo lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeymo lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay Suuriya

Kooxaha u ololeeya arrimaha dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo diyaaradaha dalka Ruushka ay ka geysteen meel u dhow xudduudda dalka Ciraaq lagu dilay in ka badan 50 qof oo rayid ah.

Kooxda fadhigeedu yahay magaalada London ee dusha kala socda arrimaha Suuriya ayaa sheegeysa in guryo ay dad rayid ah deggan yihiin oo ku yaalla tuulada Al-Shafaa duqeymahaasi lala beegsaday.

Deegaanka la duqeeyay iyo deegaannada kale eek u xeeran ayaa waxaa gacanta ku haya kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Shalay oo sabti ahayd ayaa kooxaha xaquuqul insaanka waxa ay sheegeen in duqeymo dhanka cirka ah iyo hoobiyeyaal lagu garaacay deegaan ku yaalla afaafka hore ee caasimadda Dimishiq, halkaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 20 qof.