Wasiirka Arimaha Dibida Somaliland Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Qorshaha Xukuumadan Ee Ku Aadan Wada Hadaladii Somaliland , Somaliya iyo Khaatumo

0
Monday November 27, 2017 - 10:32:03 in by Burco Office
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibida Somaliland Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Qorshaha Xukuumadan Ee Ku Aadan Wada Hadaladii Somaliland , Somaliya iyo Khaatumo

    Wasiirka Arimaha Dibida Somaliland Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Qorshaha Xukuumadan Ee Ku Aadan Wada Hadaladii Somaliland , Somaliya iyo Khaatumo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Dibida Somaliland Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Qorshaha Xukuumadan Ee Ku Aadan Wada Hadaladii Somaliland , Somaliya iyo Khaatumo
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire,ayaa sheegay in waxyaabihii qabyada ahaa ee ay wadday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay yihiin hawlo u yaala madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay hambalyo u diray, waxaana ALLE uga baryey inuu xilkan iyo masuuliyadan u fududeeyo, waxaanu ugu horeyn yidhi


 

 

"Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay, ee qaranka loo doortay, waan hambalyeynayaa, xilkaas culus ee ay qaadeen ee Bulshadu saartayna ALLE ha u fududeeyo,waxaana ranaynayaa inay noqoto Dawladdu, Dawladdii lagu badhaadho, ee ina gaadhsiisa hankeena iyo himiladeena, dadkana waxa looga baahan yahay inay taageeraan oo ay gacan siiyaan, wada jir ayeynu ku gaadhi karnaa waxaynu ku naaloonayno, haddii ay tahay horumar iyo haddii ay tahay Ictiraafba”.


Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Axmed Siillaanyo ayaa yidhi "Marka hore ILLAAHAY ayaa mahad iska leh, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanayo), waanu u mahadnaqaynaa, todobadii sanno ee uu Madaxweynaha ahaa waxaynu gaadhnay horumar la taaban karo, oo dhinacyo badan leh, waxaynu ku gaadhnay hogaamintiisa wanaagsan, taariikhda ayey gashay, waana bartilmaameed dawlad kasta oo ka dambaysa ku dayato sidii ay u gaadhi lahayd, jagada ama kursiga marka uu baneeyo inaga tagayo wali, ee taladiisa iyo ducadiisa weynu ka faa’iidaysan doonaa, waanu inala joogi doonaa insha allaahu”.


Mar aanu wax ka weydiinay waxa laga yeeli doono heshiisyadii ay Xukuumadda Siillaanyo gashay, kuwii qabyada ahaa iyo wada hadaladii Somaliya ayaa ku jawaabay "Wax alaale iyo waxay Dawladdu waday, socodsiintooda iyo dhamaystirkooda, waa xil u yaala Dawladda cusub ee la wareegi doonta xilka iyo maamulka, haddii ay tahay wada hadaladii, haddii ay tahay heshiisyadii, iyo haddii ay tahay wax kasta oo qabyo ahaa oo socday, qabyo tirkeeda iyo dhamaystirkeeda wuxuu u yaala Dawladda cusub”


Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi "Bulshada waan ku bogaadinayaa sidii wanaagsanayd, ee ay Doorashada u galeen, waxa kale oo aan ku bogaadinayaa madaxda Axsaabta iyaga laftooda sidii wanaagsanayd ee ay ka yeeleen natiijada, markaas waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo nabada, wax kastana waxa horeeya nabadeena iyo midnimadeena, wixii kalena taas ayey daba joogaan, haddii tahay horumar, haddii ay tahay Ictiraaf iyo haddii ay tahay wax kale oo aynu ku naaloonayno oo aynu doonayaba, in labadaas la adkeeyo ayaa loo baahan yahay, oo iyaga laftooda loo samro”.


Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay aragtida Beesha Caalamka iyo Doorashada Madaxtooyada ayaa ku jawaabay "Caalamku wuu qirsan yahay heerka iyo horumarka aynu ka gaadhnay Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka qaabka wanaagsan ee xorta ah ee aynu u galno, oo markhaati ayey ka ahaayeen, waana kuwii inoogu bogaadiyey qaabka ay Doorashadeenu inoogu dhacday,markaas damcan mar haddii ay inoo markhaati fureen, shuruud kasta oo Dal looga baahan yahayna aynu buuxinay, waxa la gudboon inay Ictiraafka inagaga xidhan ina siiyaan”


XIGASHO GEESKA AFRICA